Search

Khilaaf Ka Dhex Qarxay Wasaaradaha Arrimaha Qoyska Iyo Diinta/Awqaafta Oo Ku Saabsan Aragtida Diineed Ee Joojinta Gudniinka Gabdhaha (FGM)

Waxaan Gebi Ahaanba Doonaynaa Sidii Looga Joojin Lahaa Gudniinka Hablaha Somaliland, Balse Wasaaradda Diinta….”……………. Luul Aadan Oo Ka Tirsan W.Qoyska

Hargeysa (Foore) – Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Qoyska iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa si weyn iskugu khilaafsan mashruuc ay Hay’addaha Ajaanibka ahi daba ka wadaan oo ay ku doonayaan inay meesha kaga saaraan Gudniinka hablaha “FGM” guud ahaan Somaliland,taasi oo ka soo horjeedda Diinta Islaamka,waxa la hakiyay Mashruucaasi,waxaana gondaha iskula jira labadan Wasaaraddood oo la sheegay inay u dhawdahay inay Madaxtooyadda lagalaan xalinta Khilaafkooda.
Sida lagu baahiyey Warbixin laga diyaariyey saamaynta Gudniinka Fircoonigu ku leeyahay Bulshada Somaliland, gaar ahaan Hablaha iyo sida gebi ahaanba joojintiisa wacyigelin loogu samayn lahaa, ayaa lagu sheegay inay jirto kala duwanaanshaha fikradahood oo la xidhiidha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, marka laga hadlayo joojinta noocyada kala duwan ee Gudniinka Gabdhaha.Waxa Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu ku doodaysaa inay gabi ahaanba xaaraan tahay in la joojiyo Gudniinka hablaha ee Sunnaha ah, halka ay wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Qoysku ka shidaal qaadanayso oo ay wax kaga cunayso Hay’addaha Ajaanibka ah ee dalka ku sugan kuwaasi oo xidhiidh la leh Wasaaraddaasi,kuwaaso oo soo mariya Mashaariicda la xidhiidha Arimaha qoyska.
Luul Aadan Geeddi oo ka tirsan Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland oo u warantay Warbaahinta dalka qaar ka mid ah ayaa sheegtay inay qorshaynayaan sidii gebi ahaanba loo joojin lahaa Gudniinka Hablaha noocyadiisa kala duwan, waxaanay tidhi“ Waxaan gebi ahaanba doonaynaa sidii looga joojin lahaa noocyada Gudniinka Hablaha Bulshadeenna Somaliland.” Luul Aadan oo hadalkeeda sii wadatay,waxay sheegtay inay jirto caqabad ka hortaagan gaadhitaanka hadafkooda, oo ah Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta, isla markaana ka soo horjeedda qorshahaas, waxaanay tidhi“Balse waxa jirta caqabad naga haysata Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta oo diidan gebi ahaanba joojinta Gudniinka Hablaha. Way oggol yihiin in la joojiyo gebi ahaanba Gudniinka Fircooniga Hablaha. Laakiin, way ka soo horjeedaan joojinta Gudniinka Sunniga ah ee Gabdhaha.” Ayay hadalkeeda ku soo koobtay Luul Aadan.
Qorshaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soamaliland wadato oo Hay’adaha caalamiga iyo waddamada reer Galbeedku ku bixiyaan dhaqaale badan oo la xidhiidha joojinta gebi ahaanba Gudniinka Hablaha ayaa waxa ku jiro qaabka loo yaqaan Sunnaha ee Diinteenna Islaamku inna fartay in la sameeyo, qaabkaasoo qorshahan la wadaa meesha ka saarayo haddaan halkaas lagu xakamayn, isla markaana aanay Wasaaradda Diintu caddaynin xadka aan la dhaafi karin ee Sharciga ah. Khilaafkan ayaa bilawday sanad ka hor,waxaana dhawr jeer iska arkay oo kulamo ka yeeshay wasiirkii hore Wasaaradda Shaqada Iyo Arimaha Qoyska Dr Cabdi Awdaahir Iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed,kuwaasi oo isku afgaran waayay qaabka loo waajahayo mashruucaasi ay wataan reer Galbeedku ee ay doonayaan inay Somaliland ka hirgaliyaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *