BREAKING NEWS
Search

Kalshaalle: Madal Balaadhan Oo Lagula Kala Wareegay Afartii Arday Ee Ku Afduubnaa Buuhoodle

Kalshaalle (Foorenews)- Afartii wiil ee dhalinyarada ahaa ee 13-kii bishan ay koox dabley ah oo ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle afduubeen, ayaa shalay la soo daayay oo soo gaadhay guryahoodii oo ku yaala magaalada Burco ee xarunta Gobolka Tog-dheer.

Suldaanka guud ee beelaha Bariga Burco Suldaan Maxamuud Guulleed Mirre iyo Cuqaal ka tirsan beeshaasi ayaa maanta deegaanka Kalshaalle oo u dhaxeeya Buuhoodle Iyo Qori-lugud afartii wiil oo bad-qaba kagala wareegay xubno ka mid ah waxgaradka Buuhoodle iyo Culimo, waxaana galbinayay Ciidanka Liyuu Booliska Itoobiya oo ammaankooda ilaalinayay. Sida uu shabakada wararka ee Somaliland.Org, u xaqiijiyay afhayeenka Beesha Qorilugud Eng. Maxamed Cawil Sii Arag.

“Afartan wiil ee la afduubay waxay maantaba gaadheen guryahoodii oo ku yaalay Burco, dushoodana wax dhibaato ahi kamay muuqan oo way caafimaad qabeen. Markaa runtii arrintaasi si wanaagsan ayay u dhammaatay,”ayuu yidhi Eng. Maxamed Cawil.
Beesha dhalinyaradan afduubtay ee Cigaal Naaleeye oo reer Buuhoodle ah, ayaa madashii lagula kala wareegayay waxay Suldaanka Guud ee beelaha Bariga Burco u sheegeen inay beesha Axmed Faarax ee Habar-jeclo ay u haystaan inay iyagu gacantooda ku qabteen 2005-tii Jaamac Kutiye oo ka soo jeeda beeshooda oo maxkamada Somaliland ku heshay inuu falal argagixiso ka galay Somaliland.

Suldaan Maxamuud Guuleed ayaa u mahad celiyay waxgaradkii, culimadii iyo cid kasta oo kaalin ka qaadatay sidii wiilashan loo sii dayn lahaa.

Suldaan Maxamuud oo ka hadlayay doodii beesha Cigaal Naaleeye ayaa sheegay in Jaamac Kutiye uu dunuub ka galay qaranimada Somaliland oo maxkamaddo xukuntay beeshiisuna ay diyaar u tahay inay ka qanciso beeshiisii dhawaan. Waxaana loo balamay in arrintaasi labada beelood ka wada hadlaan 10 maalmood ka dib, sida uu noo xaqiijiyay Maxamed Cawil sii Arag.

Dhalinyaradan ayaa magacyoodu kala yihiin C/Kariim Saleebaan Aadan, Maxamed Axmed Caydiid iyo Jaamac Xasan Caydiid iyo wiilka afraad oo magaciisa lagu sheegay Ina Ducaale Yuusuf Handhadh.waxaanay wax ka bartaan dugsiga Hoose/dhexe ee Qaadi Maxamuud ee Magaalada Burco.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *