Search

Kala Qaybsanaantii Al-Shabaab Oo Keentay In Ciidamo Culusi Ka Soo Goostaan Kuna Biiraan Garabka Sh. Muumin Ee Sheegtay Daacish-ta Soomaaliya Ee Galgala

Alshabaab Oo U Kala Baxday Kooxda Abuu Cubayda Oo Alqaacida La Safan,Mukhtaar Roobow Oo Madax Bannaan Iyo Sh. C/Qaadir Muumin Oo Galgala Fadhiya
Galgala (Foore)- Kadib markii ay dhawaan kooxda Al-shabaab ee ku sugan Buuralayda Galgala ay si rasmi ah ugu biireen kooxda Daacish ee Khilaafada Islaamka ayaa waxa isa soo taraya xogo dheeraad ah oo laga helayo kala qaybsanaantii kooxda Alshabaab oo keentay in ay maleeshiyad badan ooh ore uga mid aha kooxda Alshaab ee Koonfurta dalka Soomaaliya ay u soo goostaan dhinaca kooxda Galgala ku jirtay oo dhawaan caddeeyey in ay si rasmi ah ugu biireen kooxda Daacish. Wararkii ugu dambeeyey ee haddaba naga soo gaadhaya dhanka Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegaya in mintidiin ka tirsanaa Kooxdaasi ay u goosteen dhanka Daacishta Somalia oo ah kooxdii ku sugnayd Buuraleyda Galgala ee hore uga tirsanaan jirtay kooxda Alshabaab balse wakhtigan shaacisay ku biiriddooda kooxda Daacish.
Maleeshiyaadkan la sheegay in ay maalmihii ugu dambeeyey ka soo goosteen Alshabaab ta koonfurta Soomaaliya ayaa ka soo cararay Gobolada Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya, waxayna u ruqaansadeen dhanka Buuraaleyda Galgala oo ah Saldhiga ugu weyn ee Daacishta Sloomaaliya.
Maleeshiyaadkan baxsadka ah ayaa waxaa la soo warinayaa inuu culeys xooggani uu kasoo fuulay dhanka Maleeshiyaadka Al-shabaab garabka Axmed Diiriye ee taabacsan Al Qaacidda, waxayna u baxsanayaan Buuraha Galgala ee Gobolka Bari ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Buuraaleyda Galgala ayaa waxaa iminka ku sugan Hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin iyo Dagaalyahanno isaga ka amar qaata kuwaasi oo shaaciyay inay ka baxeen Al-shabaab islamarkaana ay noqdeen garab kamid ah Daacish. Maleeshiyaadkan imika soo gaadhay Buuraha Galgala ayaa waxa ay dhan yihiin 75 maleeshiyo Daacish ah, kuwaasi oo ku hubeysnaa Hubka noocyadiisa kala duwan iyo Gaadiid dagaal. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa wakhti Maleeshiyada Al-shabaab ay u kala jabeen 3 garab oo ay kala hogaaminayaan Axmed Diiriye oo taabacsan Al-qaacida, Mukhtaar Roobow oo ka madax-banaan Al-shabaab iyo Sheekh C/qaadir Muumin oo isna u go’ay Daacish.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *