BREAKING NEWS
Search

Kaalmo shiidaal oo shuf beelay: Dab-damis la’aanta Boorame, Dabuubtii Maayarka Iyo Dareenka Dadweynaha

Boorama(Foore)- Laba kaalmood oo kuwa Shiidaalka lagu iibiyo ah kuna yaala agagaarka dugsiga hoose dhexe ee Sheekh C/raxmaan ee Magaalada Boorame ayaa ku shuf beelay galabta kadib markii uu dab xoogani qabsaday, kaasi oo aan la sheegin wixii uu ka dhashay.

dabkan oo aan si rasmi ah loo ogaan sababta uu ku dhashay ayaa labadan kaalmood qabsaday Saacadu markay ahayd 5:30pm kaas oo gaystay khasaare balaadhan oo dhinaca hantida ah iyo dhaawaacyo ka soo gaadhay dadkii ku jiray hawsha gurmadka bakhtiinta kaalmahan.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in kaalmahaasi dabku qabsaday qadar lagu guulaysan waayay in la bakhtiiyo.

Maayarka Magaalada Boorame C/raxmaan Shide Bille ayaa sheegay in qayb kooban oo ka mid ah Labadan Kaalmood ay bakhtiiyeen.
Maayarku waxa uu xusay iyagoo ka faa’iidaysanaya khataraha dabka ka dhalan kara ay qorshaha ku darsanayaan sidi ay u soo iibsan lahaayeen gaadhi Dam-Damis ah si wax looga qabto wax uu ugu yeedhay Masiibooyinka noocan oo kale ah. Waxaanu carabaabay inay hawsha damdamiska la kaashan doonaan Xukuumada dhexe.
C/raxmaan Shide Bile waxa uu xusay inaanu wakhtigan sheegi Karin Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkan qabsaday labadan Kaalmood maadaama aanay haynin qiyaasta hantida ku shuf beeshay labadaas kaalmood.
Taliyaha Qaybta booliska ee Gobolka Awdal Cabdi Bare (Araweelo) ayaa ka mid ahaa dadkii dhaawaca fududi ka soo gaadhay intii ay socotay hawsha bakhtiinta Kaalmahan.
Dadweynaha Magaalada Boorame ayaa si weyn uga cadhooday dab-damis la’aanta magaalada Boorame oo ay ku tilmaameen mid ka dhalatay maamul xumo ka jirta dawlada hoose.
Sida uu noo xaqiijiyay Weriye Cabdalle Cali Yuusuf oo degan Boorame Sannadkii 2003-dii ayuu sidan oo kale dab u qabsaday labadan kaalmood.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *