BREAKING NEWS
Search

Kaaliyaha Warbaahinta Ee Murashaxa Waddani Oo Sheegay In Dalku Qaaday Dhabihii Isbadalka Siyaasada, Shacabka Togdheer-na Uga Mahadnaqay Soo Dhaweyntii Ay U Sameeyeen

Burco, 16 Sept 2017, (Foore)- Muniir Axmed Cigaal oo ah Kaaliyaha Warbaahinta ee Murashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Waddani, ayaa uga mahadnaqay shacabka Gobolka Togdheer sidii diiranayd ee xamaasada lahayd ee ay usoo dhaweeyeen weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey Musharaxa xisbiga Waddani ee socdaalka ku tagay Gobolka Togdheer.
Siyaasi Muniir Axmed Cigaal waxa uu sheegay in gobolka Togdheer uu muujiyey in dalku uu u sii hayaamayo ama uu hayo dhabihii isbadalka iyo sidii uu xukunka iyo hogaaminta dalka uu u iman lahaa xisbiga Wadddani iyo madaxdiisu.
Kaaliyaha Warbaahinta ee Murashaxa xisbiga Waddani, Muniir Axmed Cigaal waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta warbaahinta ugu waramayey magaalada Burco, isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Dadweynihii reer Togdheer ee sida xamaasada leh ee aan hore loo arag ee taariikhda gashay ugu soo dhaweeyey xisbiga Waddani iyagoo midaysan oo isku dhan gobolka Togdheer.
Runtii soo dhaweyntaasi dareen ayay abuurtay may ahayn soo dhaweyn oo kaliya sidii aad arkayseen masuuliyiintuna ay sheegeen halkana aan ka cadaynayo waxay ahayd farin cad oo shacabka Jamhuuriyada Somaliland ay u direen, taas oo ahayd in wadanku u sii hayaamayo oo uu hayo dhabihii isbadal doonka iyo sidii uu xukunka Somaliland uu ku iman lahaa xisbiga Waddani iyo madaxdiisa oo ay u arkeen Madax ka saari karta, mashaakilka faraha badan ee Kulmiye keenay in aanu New Kulmiye saari karin.” Ayuu yidhi Muniir Axmed Cigaal waxaanu intaasi ku daray “Gobolka Togdheer caan ayuu ku yahay in dhimbiisu ka shidanto ama ka istaadhanto gobolakan.
Waxaan mar kale aniga oo ku soo celinaya u mahadnaqayaa haweenkii, dhalinyaradii, odayaashii, cuqaashii, salaadiintii iyo bulshadii kala duwanayd ee qaybaha kala duwan ahayd ilaa iyo Sheekh agteeda ilaa magaalada Burco sida yaabka leh u taagnayd ee isa soo abaabulay iyagoon cidi soo saarin in dareenkooda iyo rabitaankooda ku soo baxay, waxaan leeyahay Illaahay ha idinka Abaal mariyo, shucuurtaa aad muujiseen in qalbigayagaa aad taabateen.” Ayuu yidhi Muniir Axmed Cigaal Kaaliyaha Warbaahinta ee musharaxa xisbiga Waddani.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *