Search

Jihooyin Taabacsan Musharraxnimada Maxamed Biixi Yoonis Oo Kulamo Hoose Hargeysa Uga Socdo Iyo Xaaladdii KULMIYE Oo Mar Kale Shidmaysa

Hargeysa (Foore)- Gedgeddoonka iyo gebi-dhaclaynta Xaaladda siyaasadeed ee tartanka Musharraxnimo ee xisbiga KULMIYE oo marxalado kala duwan soo maraysay ayaa maalmihii ugu dambeeyey yeeshay waji kale oo hor leh kadib markii kulamo iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ay sameeyeen jihooyin taageersan Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo isagu wakhtigan safar shaqo dibadda ugu maqan.
Habeenadii ugu dambeeyey waxa magaalada Hargeysa ku qabsoomay kulamo hoose oo ay inta badan soo abaabuleen aqoonyahanno iyo odayaal ay isku jifo hoose yihiin isla markaana taageersan Musharraxnimada Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, kuwaasi oo taageero ugu muujinayay sidoo kalena xodxodasho siyaasadeed kula dhaqaaqay waxgaradka iyo odayaasha beelaha Sacad Muuse oo iyagu ku kala qaybsanaa taageerada Musharraxnimada Siyaasiyiinta Beesha ka soo jeedda ee hore hankooda siyaasadeed u sheegay sida Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale kaasi oo isagu wiig ka hor safar degdeg ah kaga soo laabtay Makka Al Mukarrama oo uu Cimro ugu maqnaa kadib safarkiisii Bariga Afrika.
Warar xogogaal ah oo u dhuun daloola kulamadii ugu dambeeyey ee lagu kala jiidanayo taageerada jifooyinka hoose ee beesha Sacad Muuse ayaa waxa ay tibaaxayaan in dardar cusub ay la soo baxeen dhinacyo si weyn u abaabulan oo u janjeedha dhinaca Wasiir Maxamed Biixi Yoonis kuwaasi oo habeenadii ugu dambeeyey si weyn isula jeexjeexay go’aammo ku aaddan in Maxamed Biixi boodhka ka jafo tartan adag oo xisbiga KULMIYE dhexdiisa ah oo uu la galo Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo ay Jifo Hoose ka soo wada jeedaan.
Inkasta oo aanu Wasiirkii hore ee Maaliyaddu Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale wakhtigan ka muuqan wax dhaqdhaqaaq siyaasadeed ahi, haddana waxa ay ilo xog ogaal ahi Foore u xaqiijiyeen in uu isu diyaarinayo tartan uu xisbiga KULMIYE dhexdiisa ka galo. Iyada oo ay arrimahaasi jiraan ayaa waxa si weyn loo dareemayaa dhaqdhaqaaqa Maxamed Biixi Yoonis oo u muuqda mid isku xidhan gudo iyo dibadba iyada oo ay socdaan kulamo gaar ah oo ay abaabulkeeda wadaan shakhsiyaad caan ah oo isugu jira Ganacsato, Siyaasiyiin iyo aqoonyahano, kuwaasi oo u muujinaya in ay ku garab taagan yihiin hankiisa musharraxnimo ee xisbiga KULMIYE. Ilaa hadda lama oga wakhtiga rasmiga ah ee Xisbiga KULMIYE qabsanayo shirkiisa Golaha dhexe oo la filayo in uu ku kala saaro Musharraxiinta hanka leh iyada oo aan dhinaca kale illaa imika la ogayn mawqifka Madaxweyne Siilaanyo ka qaadan doono arrinkan KULMIYE ee muddada dheer soo jiitamayey.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *