Jenaraal Moorgan Oo Lagaga Guuleystay Doorashada Xubnaha Aqalka Sare Ee Puntland U Matalaya Soomaaliya Iyo Magaca Ninka Daaqadda Ka Saaray

Garoowe (Foore)- Bootaan Barre Samatar ayaa ku guuleystay kursiga 8aad ee xubnaha Puntland ku metelaya aqalka sare, isagoo daaqada ka saaaray Gen. Maxamed Xirsi Morgan oo si weyn loogu saadaalinayey inuu ku guuleysan doono.

Musharraxa Bootaan ayaa helay 38 cod, halka Gen. Maxamed Xirsi Moorgan uu ka helay 27 cod.
Baarlamanka Puntland ayaa waxaa xalay doorashada xubnaha aqalka sare oo ay ku tartamayeen 26 xubnood oo laga rabay inay ka soo baxaan 11 xubnood.

Waxaana ugu dambayn la doortay 1-ka xubnood ee Puntland kaga mid noqonaya aqalka sare ee dalkaasi Soomaaliya iyada oo uu halkaasi ku hadhay Janaraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo ka mid ahaan jiray raggii dhibaatada ka gaystay Goboladii Woqooyi Ee Soomaaliya ee Wakhtigii xukuumadii Siyaad Barre imikana ah Somaliland.
Kursiga koowaad ee xubnaha aqalka sare u metelaya Puntland ayaa waxaa ku guuleystay ra’iisul wasaaraha dawladda Somalia Cumar C/rashiid oo isna ka adkaaday haweeney la tartameysay oo la yidhaahdo Aamina Aadan.

C/raxmaan Faroole oo ahaa madaxweynihii hore ee Puntland ayaa ku guuleystay kursiga labaad ee xubnaha Puntland uga mid noqonaya aqalka sare.

11-ka xubnood ee loo doortay waxay kala yihiin:-

1-Cumar C/rashiid Cali ………………………………….(Beesha Majerteen)
2-C/raxmaan Maxamed Maxamuud (faroole)…………. (Beesha Majerteen)
3-Cabdirizaaq Cismaan Xasan (Juriille)………………… (Beesha Dishiishle)
4-Farxaan Cali Daahir ………………………………………(Beesha Leelakase)
5-Cabdisalaan Xaaji Maxamuud dheere………………….(Beesha Dhulbahante)
6-Mahad Daahir Shiikh Nuur,………………………………(Beesha Awrtable )
7-Hodan Maxamuud Cusmaan—————————-(Beesha Dhulbahante)
8-Bootaan Barre Samatar,………………………………….(Beesha Jambeel)
9-Maxamud Axmed Maxamud Mashruuc…………………(Beesha Majerteen)
10-Siciido Xasan Cismaan ………………………………….(Beesha Warsangali)
11- Shukri Aadan Maxamed………………………………..(Beesha Majerteen)




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *