Search

Jarmalka Oo Ku Soo Biiray Dagaalka Ka Dhanka Ah ISIS Una Dirtay Ciidamo Iyo Diyaarado

Berlin (Foore)- Baarlamaanka dalka Germany oo loo yaqaan (Bundesparlament) oo dhawaan cod laga qaaday ayaa waxay si buuxda u ogalaadeen in 1.200 oo ciidamo ah ay ku biiriyaan waddamada isku bahaystay la dagaalanka kooxda Daacish oo ku xooggan dalalka Siiriya iyo Ciraaq. Sidaana uuy Jarmalku ku noqonayo cudud dawladeed oo kale oo ku soo biiraysa la dagaalanka kooxda Daacish. Ra’iisal wasaaraha dalka Germany Mss. Angela Merkel oo codsigan hor dhigtay xubnaha baarlamaanka dalka Germany ayaa ugu dambayntii waxay ku guulaysatay in dalka Germany uu markii ugu horraysay ka mid noqdo waddamada la dagaalamaya xoogaga Daacish wuxuuna dalka Jarmalku u diray dalka Siiriya Diyaarado dagaal oo casri ah iyo ciidamo aad u hubaysan. Sidoo kale Baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa shalay cod u qaadayay inay ka mid noqdaan isbaheysiga Daacish kula dagaalamaya dalka Siiriya iyo in kale waxayna Ingiriisku ciidankooda markii hore ku sugnaayeen kaliya dalka Ciraaq.
Waddanka Jarmalka oo ciidamadiisu aad u habaysan yihiin haystaana qalabkii ugu dambeeyey ee tiknoolajiyada dagaalka ayaa ku soo biiritaankiisa dagaalka Daacish waxa lagu tilmaamay isbahaysiga duulaanka ku haya DAACISH in ay awooddoodu sii kordhi doonto iyada oo markii hore si habqan ah kooxdan loola dagaalamayay iyana ay dagaalo adag oo iska caabin ah ka gaysanaysay dalalka Ciraaq iyo Suuriya.
Durba qaybo ka mid ah ciidanka Jarmalka ayaa la sheegay in uu gaadhay goobo ka mid ah gudaha dalka Suuriya isaga oo saldhigyo ciidan oo gaar ah ka samaystay halkaasi. Lana filayo in dagaalada ugu horreeya ay ku qaadaan Daacish wiigga dambe.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *