BREAKING NEWS
Search

Jamaahiir Uu Hogaaminayo Eng. Cali Xoor Xoor Iyo Siyaasiyiin Ruug Cadaa Reer Berbera Ah Oo La Filayo Inay Noqdaan Raaca Saddexaad Ee Miisaankooda Wata Ee Mudo Gaaban Ku Biira WAD

Gobolka Saaxil Oo Aad Looga Hadal Hayo Arrintan Iyo Dhaqaaqyo Xoogan Oo Lagu Ururinayo Dhamaan Siyaasiyiinta Gobolkaasi Sidii Ay Marqudha Ugu Wada Biiri Lahaayeen Xisbigaasi + Xaaladda Siyaasadeed Ee Dalka Oo Mar Qudha Is Baddashay Yimid Kadib Mucaaradad Xooggan Oo Istaandhantay

Hargeysa (Foore) – Jamaahiir Taageerayaashooda Wata oo uu hogaaminayo Maareeyihii hore ee Awooda badnaa Ee Dekeda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Xoor Xoor) ayaa la sheegay inay dhawaan ku biirayaan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,Waxaana arintaasi dhaq dhaqaaqeeda si weyn looga dareemayaa Magaalooyinka Hargeysa,Berbera Iyo Burco.
Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo Xalay Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in Siyaasiyiinta ugu miisaanka Culus ee ka soo jeeda Deegaanka Gobolka Saaxil oo uu hogaaminayo Eng Cali Xoor Xoor ay soo afmeerantay Wadahadal ay kula jireen Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,Waxaana la sheegay in hadda loo balansan yahay in loo qabto musaasibad aad ubalaadhan oo Xisbiga WADDANI u samaynayo Siyaasiyiintaasi iyo Taageerayaal horleh oo ay wataan,waxaanay si weyn arintani uga socotaa Gobolada Maroodi-Jeex,Saaxil iyo Togdheer oo siyaasiyiintani aad looga taageersan yahay. Sida warbixintani lanagu siiyay waxay siyaasiyiintani iskugu jiraan Niman ruug cadaa ah oo saamayn wayn ku leh Shacabka Reer Somaliland.
Lama Garanayo Saamiga Siyaasadeed ee uu Gudoomiye Cirro oo maalmahan dardar siyaasadeed wadaa kula heshiiyay Siyaasiyiinta Gobolka Saaxil,Waxaanay Xogaha aanu helnay tibaaxayaan in Qorshahani socday mudo dheer, islamarkaana ragga hogaaminayaa ay ku doonayaan sidii ay Taageerada siyaasadeed ee dadka dega Deegaanka Gobolka Saaxil marqudha ugu soo guurin lahaayeen Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI. Dhinaca kale,Shacabka ka soo jeeda Gobolka Saaxil ee ku kala filiqsan islamarkaana dega saddexdaasi gobol ee aynu kor ku soo sheegnay ayaa sanadkan u dambeeyay aad uga soo horjeeday siyaasadda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Iyo xisbigeeda Kulmiye,iyagoo isku arka inay tacadiyo aan lala qabin kala kulmeen,sidoo kalena si siman uga soo horjeeday wareejinta Dekeda Berbera iyo guud ahaan dhaq dhaqaaqyada mashaariiceed ee mudooyinkii u dambeeyay Xukuumaddu ka waday Gobolka Saaxil,oo ay u arkaan mid aanay dani ugu jirin Dadka deegaankaasi dega oo si gaar ah ay arimahaasi u taabanayaan. Eng Xoor Xoor ayaa xilkii u dambeeyay ee Dekeda Berbera si Foolxun looga Caydhiyay,kadib markii uu la dareen noqday dadka deegaanka uu ka soo jeedo oo aan ku qanacsanayn in Dakeda Berbera lagu wareejiyo Shirkada Dp-World,Waxaanu taasi ku kasbaday taageero horleh oo ay u hayaan dadkiisu.
Haddii ay arintani dhacdo oo ay sida la sheegayo si mugleh Reer Berbera ugu biiraan Xisbiga WADDANI,Waxa ay arintaasi u quus gooynaysaa Xisbiga Kulmiye inuu marnaba ku naaloodo inuu guul ka gaadho tartanka uu ugalayo Loolanka Madaxtinimada dalka ee kal dambe, maadaama oo uu gobolka Saaxil ka mid yahay Gobolada ugu Saamaynta Badan Dhinaca Siyaasada Somaliland. Dhinaca kale, Ku biirista Eng. Xoor Xoor ayaan sahaalo ahayn islamarkaana saamaynteeda Wadata,keenina karta in Gobolkaasi Saaxil Dadka ku dhaqan ay si dabala’ taageeradood iskugu biyo shubtaan WADDANI. Xogaha kale ee Gobolka Saaxil naga soo gaadhaya ayaa tibaaxaya in siyaasiyiinta Gobolka ee ku sii jeeda xisbiga WADDANI uu ka mid yahay Mujaahid Ibraahim Dhagoweyne iyo Madax-dhaqameed sare oo beesha ah oo taageeradooda kula dardaarmi doona dadka reer Saaxil inay taageeradoodu isula garab taagaan xisbiga WADDANI marka la gaadho doorashada Madaxtooyada ee la filayo in ay dalka ka qabsoonto sannadka dambe.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *