BREAKING NEWS
Search

Jaho-Wareer Hadheeyey Shirkii Taleex Kadib Dilka Hal Qof Iyo 11 Dhaawac Ah Iyo Qaar Ka Mid Ah Garaadada Dhulbahante Oo Shirka Ka Baxay

Taleex (Foore)-Shirkii la magac baxay Khaatumo 2 ee ka socday degmada Taleex ee gobolka Sool, ayaa gabi- ahaanba shalay aan la iskugu iman ka dib markii la isku dilay dhawaaq darraad ka soo yeedhay nin sheegtay afhayeenka shirkaasi oo shaaciyay in lagu go’aamiyay shirkaasi in lagaga dhawaaqo wax loogu yeedhay maamul goboleed.

Siday sheegayaan wararka ka imanaya degmada Taleex ee gobolka Sool waxa shalay magaalada Hadheeyay qas iyo jaho- wareer ka dhashay dhawaaqii xalay oo ay ergadii shirka iyo dadweynaha magaaladuba ka biyo diideen kuna tilmaameen mid jujuub ah oo mijo xaabin kara shirkaasi.

Nin dhalinyaro ah oo ka cadhaysnaa shirka Taleex ayaa shalay toogasho ku dilay hal qof oo ka mid ah dad la sheegay inay taageersanaayeen hadaaqa ka soo baxay mid ka mid ah dadka wada shirka aan ajandaha lahayn ee Khaatumo 2. Waxa kale oo mudaharaado, is rasaaseyn qalaasaha ka taagan magaalada Taleex ku dhaawacmay 11 qof siday faafiyeen warbaahinta deegaankaasi.

Dhinaca kale qaar ka mid ah garaadada Dhulbahante oo ay hogaaminayan Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Iyo Garaad Abshir ayaa shalay maalintii seddexaad ku guda jira shir uga socda magaaladda Taleex dhexdeeda. Shirkaas oo ay kaga arrinsanayan go’aankii ay ka qaadan la ahaayeen shirka ka socda Taleex iyo dhawaaqa maamul goboleedka ee kasoo yeedhay shirkaas.

Shirka garaadada oo ka socda aqalka uu Taleex ka degan yahay Garaad Saleebaan garaad Maxamed ayaa la sheegayaa in garaadadu kaga shirayaan khilaaf u dhexeeya iyaga iyo guddida shirka Taleex hagaysa oo loo yaqaan G6. Garaadada ayaa ku eedeeyayay guddidaasi inay shirkii marin habaabiyen, isla markaana dano gaar ah ka wataan.

Garaadada ayaa shirk ka dareeray laba cisho ka hor, isla markaana shalay fiidki ka warhelay dhawaaq maamul beesha Dhulbahante oo shirka lagaga dhawaqay.

Warar xog ogaal ah oo aanu ka helayno garaadada ayaa sheegaya inay ku talo jiran garaadadu in ay bayaan ka dhan ah kooxda G6 soo saaraan saacadaha soo socda.

Garaadada ayaa dhamaantood isku raacay in aysan aqbali karin wax lagu sheego maamul goboleed oo shirkaa lagaga dhawaqo. Garaadadan sida adag uga soo horjeeda maamul goboleedka ayaa la sheegaya inay yihin kuwa gacan saar la leh maamul goboledka Puntland. Halka qaar kalena u arkaan maamul goboleedkan lagu dhawaqaya inuu xasilooni daro u keeni karo beeshoda.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *