BREAKING NEWS
Search

Jahawareer Maamul Oo Soo Food Saaray Shaqaalaha Wasaaradihii Wasiirradu Iska Casileen Iyo Kharaashkii Oo Wali Xanniban

Iscasilaaddii Kooxda Wasiiradda Ahi Sameeyeen Oo Waxyeello U Gaysatay Hannaankii Maamul Iyo Geeddisocodkii Hawlaha Ay Ka Baxeen

Hargeysa (Foore) – Jahawareer Maamul ayaa soo foodsaaray Shaqaalaha Wasaaradihii ay iska Casileen Kooxda Wasiirada ahi dhawaan waxaana wali xaniban oo warqadahoodii magacaabista aan gayn xisaabaadka Guud qaar ka mid ah wasiiradda la magacaabay,kuwaasi oo ay wali u xaniban yihiin kharashaadkii iyo mushaharooyinkii shaqaaluhu qaadanayeen.
Wariye wargeyska Foore ka tirsan oo arintani u kuur galay ayaa sheegay in wasaaradihii dhawaan ay bineeyeen Kooxda Wasiiradda ahi ee ay iska casileen ay ka taagan tahay xaalad maamul xumo oo aad u baahsani,qaar ka mid ah ayaanay shaqaaluhuba ka soo xaadirin oo haawanaya,halka ku kalena ay laayihiin Masuuliyiintii loo soo magacaabay oo aan inyarba ku hakanayn Xafiiska. Sidoo kale Wasaaradahani intooda badan Masuuliyiinta loo soo magacaabay wax xidhiidh ah oo cusub lamay samayn Xisaabaadka iyo baanka dhexe waxaana wali xaniban kharashaadkii iyo musharahooyinkii shaqaaaluhu quudanayeen,taasi oo jahawareer iyo isku dhexyaac ku riday shaqaalaha oo aan bishaasi sii dhamaanaysa qaadan wax mushahar ah.
Wasaaraddahan ayaa waxa ay kala yihiin Wasaaradda Cadaalada,Wasaaradda Shaqada Iyo Arimaha Qoyska,Wasaaradda Ciyaaraha,Wasaaradda Waxbarashada,Wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo Wasiirkii joogay meel kale loo badelay,Wasaaradda Arimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah,waxaana saamayn ku yeeshay wasiiraddii marka qudha iska casilay,waxaanay hadda u baahan yihiin in salka laga soo dhiso oo si gaar ah xil la iskaga saaro.Haddii aad booqato wasaaradahan waxa suurta gal ah inaad kaba waydo qof kaala dhex hadla iyadoo ay xafiisyada qaar haawanayaan oo ay furan yihiin islamarkaana ay qaar ka mid ah koobiyuutarada shaqadu shidan yihiin oo wiilkii ama gabadhii joogay markii ay ku dhex caajiseen iskaga baxeen banaanka,waxaana dusha ka illaalinaya oo qudha Askariga Ilaalada ah ee Albaabka hore taagan.
Iscasilaadii dhawaan ay ku kaceen Kooxda Wasiiradda ahi waxa ay naafaysay geedi socodkii shaqo iyo horumar ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaayo waxaana hadda muuqata inay Xukuumaddu caqab wayne ka daristay arintaasi oo aad moodo inay dib ugu noqotay wakhtigii ay xilka kala wareegtay Xukuumaddii UDUB.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *