Search

Jabuuti Oo Xabsiga Dhigtay Masuul Ka Tirsan Maamulka Gobolka Salal Iyo Badhasaabka Oo Loo Aanaynayo Xadhigiisa

Saylac (Foore) – Xoghayihii Fulinta Degmada Saylac ee Caasimada Gobolka Salal Bashiir Cilmi Waabari ayaa la sheegay inuu laba cishaba ku xidhnaa Waddanka aynu jaarka nahay ee Jabuuti kadib markii uu halkaasi u tagay dano shakhsi ah,waxaana xadhigiisa lagu eedaynayaa inuu ka dambeeyay Badhasaabka Gobolka Salal Cabdirisaaq Waabari oo khilaaf maamul mudooyinkani ka dhexeeyay. Sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan Magaalo madaxda Gobolka Salal ee Saylac,Xoghayaha Fulinta Dalwada Hoose ee Degmada Saylac Bashiir Cilmi Waabari oo maalin saddexaadii safar gaaban ku tagay wadanka Jabouti ayay islamarkiiba Ciidamada jabuuti Xabsiga dhigeen waxaana wararkani intaasi noogu dareen in Xalay ahaan la soo daayay inkasta oo aan sifiican lanoogu xaqiijin siidayntiisa hadana madax kala duwan oo aanu kala xidhiidhnay Xalay Gobolka Salal waxa ay noo sheegeen in la soo daayay Xoghayaha balse aanu soo gaadhin Magaalada Saylac,qaar kalena waxa ay noo sheegeen in la filayo inuu xalay ahaan soo gaadho Saylac. Warar u dhuun daloola xadhiga xoghayaha ayaa noo iftiimiyay in Xadhigiisa uu ka dambeeyay Badhasaabka Gobolka Salal Cabdirisaaq Waabari oo ay Xoghayaha isku hayeen islamarkaana ay si weyn iskaga soo horjeesteen baro kicintii loo gaystay todobaadkii hore dad danyar ah oo deganaa meel loo yaqaan XAMAAMKA oo wax yar u jirta Magaalo Xuduudeeda Lawyo-Cado ee Gobolka Salal ee Somaliland,kuwaasi oo sida la sheegay ay dawlada Jabuuti u aaminsanayd inay ahaayeen dadka Alaabta kootarabaanka ah dalkeeda ka soo galin jiray dhinaca Somaliland,waxaana la sheegay in baabiinta iyo baro kicinta dadkaasi loo gaystay ay ka dambaysay dawlada Jabuuti una soo martay Badhasaabka balse amarkaasi uu si weyn uga soo horjeestay Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose ee Saylac Bashiir Cilmi Waabari kaasi oo Badhasaabka ka diiday inuu dadkaasi goobtaasi ka raro balse maalin saddexaadii oo uu Xoghayuhu tagay Jabuuti ayaa sida la sheegay Dawlada Jabuuti Xabsiga dhigtay kadib markii uu ogaysiiyay safarka Xoghayaha Badhasaabka Gobolka Salal. Iskuday badan oo aanu samaynay Xalay si aanu wax uga waydiino dhacdan badhasaabka Salal ayaanay noo suurta galin kadib markii uu noo sheegay inuu meel buuqa ku jiro oo aanu arintaasi ka hadli kari markii aanu ku celinayna waa uu naga qaban waayay telefankiisa gacanta,sidoo kale Xoghayaha oo aanu isku daynay inaanu telefan ku helno ayaanay isna noo suurta galin.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *