Jabuuti Oo Siidaysay Saddex Ka Mid Ah Shan Doonyood Oo Ciidamadooda Ilaalada Xeebuhu Biyaha Somaliland Ka Kaxaysteen

Hargeysa (Foore) – Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa siidaysay saddex doonyood oo ka mid ahaa 5 doonyood oo ciidamada ilaalada xeebaha Jabuuti saddex maalmood ka ka hor ka kaxaysteen gudaha biyaha Somaliland.

Wasiika Wasaarada Kaluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jirre) oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in dawladda Jabuuti siidaysay saddex doonyood oo kaluumaysato ah oo Somaliland ka haysta ruqsada kaluumaysiga, balse ay ilaa hadda gacanta ku hayaan laba doonyood oo shixnado ganacsi u siday dekeda Saylac ee Somaliland, inkasta oo aanu sababeyn ujeedada ay ula hadheen labadaasi doonyood.

Wasiir Caabdilaahi Geel-jirre oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Wasiirka Kaluumeysiga Jabuuti wuxuu Wakiilkeena dalkaasi u sheegay in saddexdii doonyod ee Kaluumeysatada ahaa ay sii daayen”

Wasiirka Kaluumaysiga Somaliland, waxa kale oo uu sheegay inay ilaa hadda haystaan laba kale oo doonyahaasi ka mid ahaa “Labada kalena Warkooda waynu heli doona” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray in dawladda Jabuuti looga baahan yahay in la isqanciyo, maadaama oo labada dal ay wadaagaan xuduud.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *