Search

Akhri Jaaliyadda Gobolka Ohio Ee Waddanka Maraykanka Oo Shahaado Ku Maamuustay Wasiirka Duulista Hawada Somaliland

Hargeysa (Foore)- Xubno ka tirsan Jaaliyadda Somaliland ee dalka Maraykanka ayaa maanta shahaado sharafeed Guddoonsiiyey Wasiirka Wasaaradda Duulista Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi. Xubnahi oo ka socday jaaliyadda Gobolka Ohio ee wadanka Maraykanka oo kale ahaa Xasab Axmed Abiib iyo Cali Yuusuf Qaalib ayaa sheegay in Wasiirka Duulistu uu shahaadadan ku kasbaday wax qabadka balaadhan ee uu la yimid iyo isbadalka uu ka sameeyey Madaaradda dalka. Munaasibad kooban oo loo qabtay shahaadadaasi oo lagu qabtay madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ayaa waxa ka qayb galay xubno ka socday Jaaliyadda Ohio iyo Madaxda Wasaaradda Duulista Somaliland. Xasan Axmed Abiib oo ka mid ah odayaasha Jaaliyada reer Somaliland ee Ohio USA oo oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ anigu waxaan ka imid Gobolka Ohio ee dalka maraykanka Jaaliyada gobolkaasi ayaa waxay ii soo dhiibtay Shahaado sharaf loogu tallo galay Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, ka dib markii si weyn loo dareemay wax qabadka weyn ee uu la yimid iyo waxyabaha uu ka badalay Madaarka Magaalada Hargeysa.” “ Runtii Wasiirka iyo waxqabadkiisa dacalada aduunka waa laga dareemay waqooyiga Maraykanka waa laga hadal hayaa, Yurub iyo Austria-yana waa la mid, markaas Sacaadatul Wasiir aadba laguu darmeemay, waana lagu og yahay hawshaad qabatay iyo inaad wax badan ka badashay Wasaaradan karti badana aad muujisay, laakiin fariin ay I soo fareem nimankii Jaaliyadii, waxay yidhaahdeen Madaaro kale ayaa qabyo ah hawshoodu adiga iyo qayrkaa ayey u taalaa.” Ayuu yidhi Oday Xasan Abiib. Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka dareen Celiyey Shahaado sharafta ay ku maamuuseen Jaaliyadda Somaliland ee Ohia USA, Waxaanu yidhi “ aad baan u soo dhaywnayaa Ragan aqoon yahan iyo indheer garadka ah ee ka yimid Ohia maraykanka, waannu idiinka mahad naqaynaa Xusitaanka aad na xusteen, soo dhawaada.”. Wasiirka Duulista ayaa intaasi ku daray “ waxaan aanu qabanay runtii waxa weeye waajib na saraan ayey ahayd, shahaadada ay Jaaliyada Ohio noo soo dirtay waxaanu u qaadanaynaa dhiiri galin, laakiin waa wajaib na saarnaa oo ILAHAY na uu nagala xisaabtamayo, bulshadii na doortay ee Madaxweynaha Qaranka dooratay, ee isaguna uu anaga na doortay ee xilka nagu aamintay, waa mid ay nooga fadhido, dadaalkana halkaas ayaanu ka kordhinayaa.” “ Ujeedada ugu weynina waxa weeye in wadankani uu noqdo goob si sahlan loo soo gaadhi karo, ujeedada aanu garoonkan xooga u saaraynayaa waxa weeye waa Garoonkii Caasimada dalka waa goobta ugu dadka badan, ee dadka qurbajooga ahi ay jecel yihiin inay ka dagaan xitaa kuwo bari iyo galbeed u dhashay , waana meeshu ugu adeega badan, waa meesha maanta Somaliland bulshadeeda sadex dalool mid ahaan ay ku nool yihiin, markaa Garoonka Caasimada markaanu samaynay waxaanu u arkaynay inuu muhiimadaas ku fadhiyo, Garoomada markaanu samayno Gabolo iyo deegaamo uma kala jecalaysano, laakin qorshe iyo Istaatijiyad ayaanu u eegnaa halkee ayaa dad badan, halkee ayaa durug san ayaanu ku salaynaa, Umaddan iyo Xukuumadda Somaliland sharaf weyn ayey u tahay inuu madaarka Cigaal uu noqdo mid caalami ah oo aanu wax weyn ka badalnay, waliba qabyo badan ayuu leeyahay oo aanu dhamays tiri doono, Hilmiladayanduna waa inuu noqdo Madaar hab u ah mandaqada Geeska Afrika INSHA ALLAH.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi. Munaasibadaasi ayaa sidoo kalena waxa joog-joog ka ahaa Masuuliyiin ay ka mid yihiin Maamulaha Madaarka Cigaal Maxamed Yuusuf Ismaacil, Agaasimaha Mashaariicda ee Wasarada Duulista Muuse Ibraahim Salaf iyo Afhayeenka Wasaaradaasi Saddam Maxamed Axmed.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *