BREAKING NEWS
Search

Itoobiyaankii Ugu Badnaa In Muddo Ah Oo Dalka Soo Gaadhay Iyo Go’aankii Wasaaradda Daakhiliga Oo Noqday Hal Bacaad Lagu Lisay

Hargeysa (Foore)- Dad Itoobiyaan ah oo raabraabo u socda ayaa labadii todobaad ee ugu dambeeyey si xawliya u soo galayay dalka iyaga oo dadkan badankoodu ka soo tallaabay xuduudda Somaliland iyo Itoobiya inta u dhaxaysa degmooyinka Wajaale iyo Allaybaday oo ka wada tirsan gobolka Gabiley.
Dadkan Itoobiyaanka ah oo u badan qawmiyadda Oromada oo in muddo ahba dalka ku soo qulqulayay ayaa labadii wiig ee ugu dambeeyey wararka aanu helaynaa sheegayaan in ay laban laabmeen, iyada oo aan ilaa imika la garanayn sababka keentay korodhkan ku yimid dadkan soo galootiga ah ee Somaliland u soo hayaamaya. Wararka aanu ka helayno gobolka Gabiley iyo degmooyinkiisa ayaa sheegaya in dadkan hayaanka ahi labadii wiig ee ugu dambeeyey si xawli leh oo qarsoodi ah ugu soo tallaabayeen dhinaca Somaliland iyaga oo hab garbo siman ah uga soo gudbay xudduudda Somaliland iyo Itoobiya wadaagaan ee dhereran min Wajaale ilaa goob dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Allaybaday.
Inkasta oo dadka itoobiyaanka ah ee dalka soo galaya intooda badani ka soo tallaabi jireen dhinaca magaalo Ganacsiyeedda Wajaale, habka ay doonaanba haku soo tallaabaane hadana waxa labadii usbuuc ee ugu dambeeyey deegaamada u dhaxeeya Wajaale iyo Allaybaday lagu arkayay dad Itoobiyaan ah oo koox koox u socda oo dhulka Miyiga ah ka soo galaya xadka labada dal kala qaybiya, kadibna soo beegsanaya magaalooyinka Abaarso, Gabiley iyo Arabsiyo kadibna u soo gudbaya dhinaca magaalada Hargeysa.
Wariye ka tirsan wargeyska Foore oo deegamadaasi booqday ayaa sheegaya in korodh laxaad lihi ku yimid dadka Itoobiyaanka ah ee soo galootiga ah ee dalka ku soo qulqulaya iyaga oo aan haba yaraatee waxba isaga tirinayn laanta socdaalka iyo ciidamada ammaanka ee dhulka ay soo marayaan iyo shacabka Somaliland ee deegaamadaasi ku nool oo aan haba yaraatee wax xidhiidh ah kala soo samayn dawladda marka ay arkaan dadkan soo galootiga ah, kuna odhanaya waa dad masaakiin ah ee maxaanu ugu sheegaynaa dawladda. Mid ka mid ah dadka Itoobiyaanka ah ee todobaadkan ka soo tallaabay xudduudda degmada Wajaale oo aanu kula kulanay kaantaroolka galbeed ee magaalada Hargeysa ayaa noo sheegay in uu jidka ku soo jiray muddo 12 maalmood ah isaga oo ka yimid deegaan dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya. Ninkan oo af-soomaaliga qadar kooban ka jajabsanayay ayaa noo sheegay in safarkiisan ay ku wada socdeen ilaa 17 qof oo dhamaantood Oromo ah kuwaasi oo ujeedadoodu tahay sidii ay u degi lahaayeen magaalada Hargeysa.
Tiro yar oo dadkan soo galootiga ah ka tirsan ayaa si toos ah u soo raaca gawaadhida rakaabka ah ee isaga kala goosha magaalooyinka Jigjiga iyo Wajaale balse waxa labadii todobaad ee ugu dambeeyey soo shaac baxay safar dhinaca lugta ah oo ay dadkani soo miciinsadeen iyaga oo gacan ka helaya dad dhulka garanaya oo ka soo raacaya gudaha dalka Itoobiya kadibna marka ay gudaha Somaliland soo galiyaan dib u laabanaya.
Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo dhawr goor oo hore sheegtay in ay wax ka qabanayso dadka Itoobiyaanka ah ee dalka soo galaya ayaan wali wax la yaaban karo oo ay arrintaasi ka qabatay jirin iyaga oo ballan qaadkoodaasina noqday mid aanay waxbna ka hir gelin mar kali ahna is dhimin Itoobiyaanka dalka soo galayaa. Sida aanu xog dheeraad ah ku helayno tiro aad u yar oo Itoobiyaan ah ayaa marka ay dalka soo galaan dibadaha uga tahriiba sida dalalka Yemen iyo Jabuuti.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *