BREAKING NEWS
Search

Itoobiyaan Ku Sii Dhex Dhuuntay Qaybta Shandadaha Oo Isaga Safray Addis Ababa Iyo Sweden

Adisababa (Foore)- Diyaarad ay leedahay shirkadda Caalamiga ah ee Ethiopian Airlines oo todobaadkan ka duushay Magaalada Adis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya ayaa la sheegay in nin magangalyo doon ah oo tahriiba ahi ku sii dhex dhuuntay qaybta diyaarada ee la saaro shandadaha iyo boorsooyinka rakaabku sitaan.
Ninkaasi oo aan magaciisa la sheecin balse dhalashadiisa lagu sheegay Itoobiyaan ayay Diyaaradani kala degtay Garoonka diyaaradaha ee Arlanda ee Magaalada Stockholm ee dalka Sweden, waxaana markii la furay qeybta boorsooyinka la saaro ee Diyaarada kasoo booday nin goobtaasi kusoo dhuuntay oo fajiciso ku dhaliyay dadkii diyaarada saarnaa iyo shaqaalihii diyaaradaba.
Ninkan ayaa isaga oo caafimaad qaba waxaa laga soo saaray qeybta ay rakaabka saartaan boorsooyinka, waxaana ninkan la sheegay in uu doonayay inuu magangalyo ka helo dalka Sweden ama deganaanshiyo.
Waxaan wali la cadeyn qaabka uu ninkan diyaarada kusoo raacay gaar ahaan qeybta boorsooyinka rakaabka la saaro, waxaana ninkan xaalkiisa la wareegtay Hay’adda socdaalka u qaabilsan dalka Sweden oo waraysi gaar ah kala yeelatay sababta iyo sida uu iskugu soo aaminay goobtaasi oo aan loogu talo galin inuu Bini-aadam fuulo. Falkan layaabka leh ayaa keenay in masuuliyiinta shirkadda Itoobiyaanku ay dib ugu noqdaan oo qiimeeyaan qaabkii ninkan ay ugu suurta gashay in uu ku soo dhuunto iyo qaabkii uu ugu soo dhuuntay iyada oo baadhitaan culusi ku socdo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *