Search

Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Ku Dhawaaqay In Uu Quus Ka Joogo Midnimo Soomaaliyeed Ballanna Ku Qaaday In Uu Dhismaha Dalkiisa Somaliland Ka Shaqayn Doono

Hargeysa (FOORE)- Siyaasiga Ruug Caddaaga Ah Ismaaciil Hurre Buubaa ahaana Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ka tanaasulay mawqifkiisii Soomaali Weyn haatan wixii ka dambeeyana uu ka shaqayn doono dhismaha qarankiisa uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ee Somaliland oo uu sheegay in xalka kali ah ee Soomaaliyi maanta u yaallaa yahay in ay aqoonsadaan oo isaga hadhaan.
Ismaaciil Hurre Buubaa oo maalmihii ugu dambeeyey la hadal hayay in uu ka tanaasulay mabda’iisii Soomaali weyn ayaa si rasmi ah xalay shaaca uga qaaday waraysi uu warbaahinta ku siiyey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Ismaaciil Hurre Buubaa waxa uu xusay in uu muddo badan ka fikirayay mustaqbalka Soomaaliya oo uu sheegay in ay gaadhay heerkii ugu liitay una sii kala googo’day afar maamul oo gobolo ah sidaa darteed maadaama qarankaasi aanu u muuqan mid tisqaad noon kara uu danta u arkay in ay aqoonsadaan Somaliland iyagana uu wanaag Ilaahay uga rajaynayo isna inta noloshiisa ka dhiman uu ka shaqayn doono sidii uu Somaliland horumarkeeda dhinaca uga qabsan lahaa.
Ismaaciil waxa uu sheegay in aanu marnaba ku faraxsanayn dhibta Soomaaliya haysata ee uu u rajaynayo in ay dawladniamdooda dhistaan sida ay haatanna yihiinna kor uga kacaan isna uu dalkiisii u soo noqday oo uu ka shaqayn doono horumarkiisa wax kasta oo uu la qaban karo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *