Search

Ismaaciil Buubaa Oo Sheegay In Soomaaliya Danteedu Ku Jirto Aqoonsiga Somaliland, Kana Hadlay Aragti Uu Sheegay Inay Midayso Al-Shabaab iyo Kooxaha Midnimo-doonka.

Hargeysa(Foore) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya oo ah siyaasi dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo hore uu wasiir uga soo noqday, Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa waraysi dheer oo uu siiyey wargeyska A-Sharq ee ka soo baxa dalka Qatar, waxa uu ku sheegay aragtidiisa ah in Somaliland oo la aqoonsadaa ay awood u leedahay in ay xasilooni iyo ammaan ku soo dabbaasho Soomaaliya iyo in ciidamo ka yimi Somaliland ay beddelaan ciidamada Itoobiya, Kenya iyo Uganda ee hadda nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, maadaama oo sida uu aaminsan yahay ay kaga fiican yihiin la dagaallanka Al-Shabaab. “Cidda keliya ee Al-Shabaab waajahi kartaa waa woqooyiga, waayo waa isku Soomaali, sirtooda iyo waxa u qarsoonna waa ay fahamsan yihiin, si ka duwan Kenya iyo Itoobiya” Ayaa uu yidhi Buubaa oo intaas ku sii daray, “Haddii fursadahaas la siiyo, waxaa suurtogeli karta in Al-Shabaab ay wada hadal ogolaato, waayo woqooyi waxa uu awood u leeyahay in uu cudud ciidan u dhaqaajiyo goobaha ay Al-Shabaab haysato, kadibna ay kala doorran siiso in ay wada hadal ogolaadaan iyo dagaal”

Wargeysigan ayaa waxa uu ku sheegay in aragtida cusub ee hadda dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray lagu dhiqi karaa ay tahay in la dhiso laba dawladood oo jaar ah oo nabad ku wada noolaada, Somaliland iyo Soomaaliya, si aanay dhibaatada Soomaaliya ugu soo fidin dhinaca Somaliland, isla markaana looga faa’idaysto gacanta ay Somaliland ka geysan karto wax-ka-qabashada arrimaha Soomaaliya, in kasta oo haddana uu ku adkaystay in aanay ujeedadiisu ahayn in Soomaali ay kala tagto, waxase uu ku adkaystay in Koonfur oo Somaliland aqoonsata ay ku jirto danta Soomaaliya.

Waraysigan oo uu wargeyska A-Sharq baahiyey Jimcihii dhowaa ee 7da August 2015ka, Md. Buubaa waxa uu ku ammaanay dalka Qatar oo uu sheegay in dawladdii ku-meel-gaadhka ahayd ee Soomaaliya ee uu ka tirsanaa ay ka heli jirtay taageero dhaqaale iyo mid siyaasi ah labadaba, waxa aanu ku dooday in dawladaha Gacanka Carbeed ay yihiin cidda keliya ee ku habboon in ay xasiloonni amni iyo dhaqaale u soo hoyso Soomaaliya, maadaama oo xidhiidh guun ahi ka dhexeeyey Soomaalida oo kumannaan sano xidhiidh ganacsi la lahaa Khaliijka Carabta, isla markaana dalalka Khaliijku ay dano ku leeyihiin Soomaaliya, oo ah irridda muhiimka ah ee ay ka geli karaan Geeska Afrika iyo guud ahaan Afrika oo ah xoogga dhaqaale ee mustaqbalka dhow la saadaalinayo.

Buubaa waxa uu dawladda hadda ee Muqdisho ku tilmaamay mid laga maamulo Nayroobi, hawlihii loo igmadayna ku fashilantay, isaga oo dhinaca kalana dalka Masar ku canaantay in aanu sidii ugu habboonayd uga faa’idaysan xidhiidhka uu la leeyahay Soomaaliya, balse keliya ay ka dhigato jeedal ay dhabarka kaga dhufato dalka Itoobiya ee danahooda dhinaca biyaha Niilku is-diiddan yihiin.

Farogelinta Soomaaliya ee Itoobiya iyo Kenya:

Ismaaciil Buubaa, wxa uu dalalka Itoobiya iyo Kenya ku eedeeyey in farogelinta ay Soomaaliya ku sameeyeen ay tahay mid taban oo wax yeelaysa Soomaaliya, isaga oo ku dooday in ujeedada dalalkani ay tahay in Soomaaliya ay qaybo yaryar u googooyaan, gaadhsiiyaanna heer aanay dib ugu soo kici karin. Waxa uu sheegay in labadan dal ay Soomaaliya ka leeyihiin damac siyaasi ah iyo mid dhaqaale iyo in ay ka cabsi qabaan in Soomaaliya ay noqoto dawlad xoog badan, oo ka soo ceshata dhulka sida uu sheegay ay Soomaaliya hore uga qaadeen.

“Taariikhda ayaa xusaysa in Soomaaliya markii uu Siyaad Barre ka talinayey ay weerartay Itoobiya iyo Kenya, sidaa awgeed Kenya iyo Itoobiya waxa ay leeyihin; ma doonayno in ay soo noqoto Soomaaliya u xoog badan sidii ay ahaan jirtay” ayaa uu yidhi Ismaaciil Hurre Buubaa. Isaga oo intaas ku sii daray in uu jiro damac kale oo labadan dal ka haya badda dalkii Soomaaliya la odhan jiray oo isku dar cabbirkeedu dhan yahay 3300 oo kilomitir oo gudaheeda uu ku jiro xaddi badan oo ah Gaas iyo Baatrool. Iyo sidoo kale in Soomaaliya ay leedahay saddex meelood meel khayraadka Yuuraaniyaamta (Uranium) ee dunida oo dhan, taas oo haddii laga faa’ideeyo gobolka Geeska Afrika oo dhan gaadhsiin karta isku-filnaanshiyo dhinaca tamarta ah. “Khayraadkaas ayaana ka mid ah sababta dawlado kalana ay u taageerayaan damaca Kenya iyo Itoobiya” ayaa uu waraysigan ku yidhi.

Al-Shabaab iyo Midnimo-doonka reer Somaliland:

Arrinta kale ee xiisaha leh ee uu Buubaa waraysigan aadka u dheeraa kaga hadlay ayaa ah in inkasta oo aragtida aasaaska u ah Al-shabaab ay tahay diini, haddana aanay ka madhnay aragti waddani ah, oo ah sababta ay Soomaali badan uga heleen calool dabaca iyo taageerada, maadaama oo dadku farogelinta dalalka deriska diiddan yihiin, sida uu sheegay.

Buubaa waxa uu sheegay in qodobka Wadaniyaddu uu yahay halka ay ku kulmaan aragtida Al-Shabaab iyo kooxaha midnimo doonka uu ku tilmaamay oo ah Somaliland diid dhalasho ahaan Somalilad ka soo jeeda ee doonaya in Soomaaliya dib u midowdo. “Waa halkaas halka na midaysa annaga oo Midnimo doonka ah iyo iyaga (Al-Shabaab), waxa aanu wada nahay waddaniyiin doonaya in ay ilaaliyaan midnimada ciidda Soomaaliya”

Somaliland:

Siyaasi Ismaaciil Hurre Maxamuud, Buubaa waxa uu ka digay in haddii xaalka Soomaaliya sida hadda uu yahay ku sii socdo uu khatar u yahay in uu saamayn taban ku yeesho Somaliland, sidaa awgeed ay lagama maarmaan tahay in Somaliland iyada oo arrintaas ka duulaysa ay hadda tallaabo qaado, “Waa lagama maarmaan in aynu ka fikirno sidii loo dhisi lahaa labada dawladood oo cusub, oo isku garab noolaada, waayo Soomaaliya dhibtan kama gudbi karto, illaa Koonfur ay wax iska beddelaan, , cidda keliya ee wax-ka-beddeli karta Koonfurtuna, runtii waa Somaliland” ayaa uu yidhi, isaga oo ku adkaystay in Somaliland oo dawlad ahi ay xallinta dhibta Soomaaliya ka geysan karto gacan ka wax-tar badan ta ay ka geystaan dalalka Kenya, Itoobiya iyo Uganda. “Laakiin inta aynaan doorka Somaliland qaadanayso ka hadlin, waxaa waajib ah in Koofuri ay aqoonsato madaxbannaanida woqooyi” ayaa uu yidhi Buubaa.

Mar kale isaga oo u jawaabayey wariyaha oo weydiiyey in aqoonsiga Somaliland iyo farogelinteeda Soomaaliya ay keeni karto in Somaliland ay awood ku saamayso talada Koonfur, waxa uu ku jawaabay, “Haddii ay awood ku yeelato talada Soomaaliya, waxa aan aaminsanahay in ay taasi ka fiican tahay sida uu hadda xaalku yahay”

Isaga oo dawladda hadda ee Soomaaliyana ku eedeeyey in ay tahay nidaam uu qabiilka Hawiye maamulo oo aan noqon karin dawlad dhexe, Soomaaliyana ay noqotay dawlado yaryar oo qabiilo gaar ahi maamulaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *