Search

“Isku Meeqaam Ma Nihin Boqor Buur Madaw Oo Sharaftayda Maaha Inaan La Yoo- Yootamo Shaqsi Aan Meeqaamkayga Ahayn!”

Hargeysa (Foore)- Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxman ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay hadaladda deel qaafka ah ee buu yidhi inta badan ka soo baxa ee uu warbaahinta Mariyo Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw) isaga oo sheegay in aanu marnaba wax jawaab ah warbaahinta u marineyn ee uu ka gaabsanayo.

Suldaan Xasan oo shalay warbaahintu wax ka waydiisay haladii Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madaw warbaahinta mariyey ee uu ku sheegayay arrimo badan oo khuseeya beelaha Bariga Burco iyo Woqooyiga, Koonfurta iyo Galbeedka Hargeysa. Suldaan Xasan ayaa sheegay in Boqor Cismaan aanu ahayn shakhsi ka mudan jawaab oo oo aanu Mustawihiisa ahayn inuu la yool yooltamo-na iska diidaya islamarkaana uu ka daba qaato hadalkiisii ka baxsanaa meeqaamka Dhaqanka ee dhawaan uu ku weeraray Beelaha Dega Koonfurta,Galbeedka Iyo Woqooyiga Hargeysa.
Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxman ayaa sidan ka sheegay maruu shalay ka hadlay Shir jaraa’id oo ay salaadiinta Subeyr Awal ku qabatay Huteelka Baar Xaraf ee Magaalada Hargeysa,waxa uu suldaanka saluug ka muujiyay inuu wax Jawaab ah ka bixiyo Hadal Xanaf Qabiil Lahaa oo dhawaan ka soo yeedhay Boqor Cismaan Aw Maxamuud ( Buur Madaw) oo ka mid ah Madax dhaqameedka Somaliland gaar ahaan gobolada Sanaag, Togdheer iyo Sool, waxaana hadallada Suldanka ka mid ahaa “Nin Shakhsi Ah Oo Meelaha Ka Hadlay Oo Aan Dhigayga Ahayn, Waan Ka Gaabsanayaa Inaan U Jawaabo, Isku Meeqaam Ma Nihin oo Sharaftayda Maaha Inaan La Yool Yooltamo Shaqsi Aan Mustawahayga Ahayn”.
Suldaanka Guud ee Beelaha Subeyr Awal Suldaan Xassan Suldaan Cabdilaahi Suldan Cabdiraxmaan ayaa sheegay inaanay isku fil iyo Meeqaam ahayn Buurmadaw islamarkaana aanay haboonayn inuu u jawaabo,waxa uu sheegay inuu maqlay hadalo uu meelaaha ka yidhi oo aan wax micno ah lahayn, Sidoo kale waxa uu suldaanka Shirkaasi Jaraa’idka kaga hadlay Xaaladda waddanka taagan,waxaanu dhaliilo kala duwan u jeediyay Xukuumadda uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *