Search

Isku Aadka Koobka Adduunka Oo La Soo Saaray Iyo Kooxihii Qaaradda Afrika Matalayay Oo Af Libaax Galay

Moscow, December 3, 2017 (Foore)- Isku aadka koobka kubadda cagta Adduunka xagaaga soo socda 2018 wareegiisa Group-yada ayaa la sameeyay iyadoo ay kasoo baxeen kulamo culus, waxaana isha lagu heyn doonaa wixii dhaca badhtamaha sannadka soo socda markaas oo la isugu imaan doono ciidda qabow ee Russia. Argentina iyo Nigeria ayaa mar kale isku arki doona wareega group-yada iyadoo la xasuusto iney isku arkeen koobabkii adduunka ee 1994, 2010 iyo 2014 waliba group-yada, dhinaca kalana ma dhicin kulamo waaweyn oo la filayay sida inuu England ku dhaco wadamada kale ee ugu waaweyn. Wadanka loo saadaalinayo koobka Aduunka ee Brazil waxay galeen meel qaddar qabow marka loo eego inay la guruub noqdeen Switzerland, Costa Rica iyo Serbia. Wadamada u matalaya qaaradda Africa eek ala ah Nigeria, Masar, Morocco, Tunusia iyo Senegal waxaa fursadda ugu fiican haysta Senegal oo la guruub noqday ay iska caabin karaan sida Poland, Colombia iyo Japan, dhanka kalana Egypt ayaa la odhan karaa way dhaantaa kuwa kale inkasta oo ay dhamaantood af libaax galeen waxaanay Masar la guruub noqotay Ruushka, Uruguay iyo Saudi Arabia.

ISKU AADKA OO DHAMEYSTIRAN:
Group A
Russia
Saudi Arabia
Egypt
Uruguay

Group B
Portugal
Spain
Morocco
Iran

Group C
France
Australia
Peru
Denmark

Group D:
Argentina
Iceland
Croatia
Nigeria

Group E:
Brazil
Switzerland
Costa Rica
Serbia

Group F:
Germany
Mexico
Sweden
Korea Republic
Group G:
Belgium
Panama
Tunisia
England
Group H:
Poland
Senegal
Colombia.
Japan.
Tartanka koobka adduunku wuxuu ka qabsoomi doonaa Russia inta u dhaxeysa 14-ka June ilaa 15-ka July, ee sannadka 2018 waana dhacdo afartii sanaba mar la sugo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *