ISIS Oo Sii Ballaadhisay In Ay Cabsi Galiso Dadka Isu Diyaarinaya Ka Qayb Galka Koobka Adduunka – Sawirka Muujinaya Laacinka Brazil Ee Neymar Ay Markan Isticmaaleen

Ururka isku magacaaba Khilaafada islaamka ee loo soo gaabiyo ISIS ayaa sii balaadhiyay ololaha ay ku cabsi galinayaan koobka Adduunka ee lagu ballansan yahay Russia xagaaga soo socda ee 2018, waxayna sii huriyeen adeegsiga sawirrada la dooriyay ee ay soo galinayaan baraha xidhiidhka bulshada iyaga oo markan sawirka Neymar u adeegsanaya cabsi galinta ay dadka ku samaynayaan. Ololahan ayaa wuxuu ka bilowday iney soo galiyaan sawirada Lionel Messi oo ah sida maxbuus dhiig ilmeynaya iyo sidoo kale sawiro muujinaya shaqsi ay ugu yeedheen mujaahid oo taagan meel aan ka fogayn mid ka mid ah garoomada lagu qabanayo koobka Adduunka ee dalka Ruushka.
Intaas waxaa xigay inay dorraad oo Sabti ahayd ay soo galiyeen sawirka tababaraha xulka faransiiska Dechamps kaas oo ah sida maxbuus baatsoolad madaxa lagaga hayo, waxayna ahayd argagax galintii ugu dambeysay ee ay adeegsadeen ururka ISIS.
Si kastaba sawirka ay shalay oo Axad ahayd soo bandhigeen ayaa noqday kii ugu argagax galint abadnaa marka la eego sirta ay sawirradan u adeegadeen, waxayna soo sawireen Lionel Messi iyo Neymar Junior oo dhibanayaal u ah kooxda ISIS. Sawirka hore waxa ka muuqda in xiddiga reer Argentina ee Leo Messi la qalay, halka Neymar Jr uu yahay qalliin suge ilmaynaya oo oohin badani ka muuqato aadna u argagaxsan.
Sawirka Messi & Neymar wax qoraal hanjabaad ah lama soo raacsiin inkastoo hanjabaado kulul lasoo raacinayay sawiradii ka horeeyay ee dorraad iyo tii ka sii horraysayba waana qaab argagax galin ah oo dhallinyaro badan oo adduunka ku baahsani aad uga cabsoodeen.
Ujeedada ugu weyn ee ay ka leeyahiin ISIS hanjabaadahan waxay tahay iney carqaladeeyaan koobka kubadda Adduunka ee ka dhacaya Russia 2018, sidoo kalana ay yareeyaan ugu yaraan faa’idada ay ka heli karaan dadka malaayiinta ah ee usoo daawasho tagi kara.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *