Search

Isbahaysiga Dimuquraaddiga Xisbiga KULMIYE Oo Naqdiyey Qodobbo Ay Sheegeen In Ay Siilaanyo & Muuse Biixi Jabiyeen

Hargaysa(Foore)- Musharraxiinta Isbahaystay ee Qaaddacay Shirkii Golaha dhexe ee KULMIYE, ayaa sheegay inay sii wadayaan hawl-gallo ay sheegeen inay kaga soo horjeedaan Sharci-darro ay sheegeen inay ka jirto Xisbiga KULMIYE, waxaanay mar kale eedaymo u jeediyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Hoggaanka KULMIYE.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caddaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo Warbaahinta u akhriyey Sabtidii shalay Bayaan ay ka soo saareen xaaladihii u dambeeyay ee Xisbiga KULMIYE iyo Mawqifkooda, ayaa ugu horeyn isaga ka hadlaya saddex arrimood oo uu tilmaamay inay caddaynayso qaladaad uu Madaxwaynuhu galay intii lagu jiray qaban-qaabada Shirka Golaha dhexe.

Xuseen Axmed Caydiid oo Naqdiyadaya Qodobbada Sharci ee lagu jabiyey Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE oo Salaasadii toddobaadkii hore lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *