BREAKING NEWS
Search

Is-Barbar Dhigga Waxqabadka 100- Ka Maalmood Ee Xukuumadda Muuse Biixi Iyo Tii Xilka Uga Horraysay Ee Madaxweyne Axmed Siilaayo 2010/18

Taxane Lafa-gur Ku Samayn Doona Laba Xukuumadood Iyo Waxqabadka 100 Maalmood

Hargeysa, April 16, 2018- (Foore)- Toddobaadkii aan kasoo gudubnay Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi waxa ay shaacisay wax-qabadkeedii 120 Maalmood ee Muddo xileedkeeda ugu horreeya taasi oo ay ku taxday Arrimo badan oo ay sheegtay in ay mudadaasi Madaxweynihiisa iyo dawladdiisa uu hogaamiyo ay u qabsoomeen.
Qormadan oo dhawr cadad taxane innoo noqon doonta waxa aynu ku eegi doonaa is barbar dhig faahfaahsan oo aan ku samayno wax-qabadka Xukuumadaha Xisbiga KULMIYE ka dhashay ee ay kala hogaamiyeen Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxweynaha xilka uga dambeeyey ee Muuse Biixi Cabdi.
Inkasta oo dad badani doodo kala duwan iyo araa kala geddisan ka qabi karaan wax-qabadka xukuumadaha KULMIYE, midda wax qabad badnayd 120-ka maalmood ee ugu horreeya wax-qabadkooda iyo arrimo kale waxa aan faallada u dhaafi doonaa Akhristayaasheena sharafta leh balse waxa aan si toos ah u guda gali doonaa oo aan Akhristayaasha xusuusin doonaa wax-qabadkii 100 Maalmood ee ugu horreeyey u qabsoomay Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo innaga oo la akhriyo doona oo barbar dhigi doona wax-qabadka 120-ka maalmood ee xukuumaddan cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Afhayeenkii Madaxtooyada ee Xukuumaddii Axmed Siilaanyo Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka hadlay xaflad Xukuumaddaasi ku soo ban dhigaysay wax-qabadkeedii 100-ka maalmood ee ugu horreeyey muddo xileedkeeda waxa uu ku yidhi:
“Ugu Horrayn Dhismaha Xukuumadda ayaa ugu horreeyey waxbqadka xukuumadda waxaanan odhan karnaa Markii ugu horaysay waxaa la soo dhisay xukuumad tiro yar oo tayo leh oo ka kooban 20 wassaaradood iyo lix wasiir ku xigeen, waxaanay ka dhigtay xukuumaddii ugu tiro yarayd intii Somaliland jirtay. Si aqooni ku jirto ayaa loo suuro geliyay in aanu isbeddelku saamayn badan ku yeelan wada shaqayntii golayaasha iyo hay’addaha dawladda, taasna gacan adag ayaa lagu qabtay si toosa ayaanu u dhaqan galay”.
Tan baddalkeeda Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo toddobaadkan shaacisay wax-qabadkeeda 120 maalmood ee ugu horreeya muddo xileedkeeda, haddii aan qodob kaasi oo kale ah soo qaadano waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi markii xilka loo dhaariyey soo dhisay xukuumad ka kooban 32 Wasiir iyo Wasiir ku xigeeno.

Is-barbar dhigga Xubnaha Golaha Wasiirrada ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Muuse Biixi:

Xukuumaddii Ugu Horraysay Ee Uu Soo Dhisay Madaxweyne Siilaanyo:
1. Wasiirka rimaha Dibada iyo Xidhiidhka caalamiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar
2. Wasiirka Arimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose
3. Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi
4. Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Md. Xuseen Axmed Caydiid
5.Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Samsam Cabdi Aadan
6. Wasiirka Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed
7. Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Dr. Sacad Cli Shire
8. Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami
9. Wasiirka Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Cabdirisaaq Khaliif Axmed
10. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Dr. Axmed Xaashi Oday
11. Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed
12. Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Prof Ismaaciil Muumin Aare
13. Wasiirka Diinta iyo awqaafka Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed 14. Wasiirka Shaqada iyo Ariamaha Bulshada Ilhaan Maxamed Jaamac
15. Kaluumaysiga Khayraadka Badda iyo Maamulka Dekadaha Dr. Maxamed Yaasiin Xasan
16. Macdanta Biyaha iyo Tamarta Dr. Xuseen Cabdi Ducaale
17. Ciyaaraha Dhalinyarada iyo Dhaqanka Maxamed Xaashi Madar
18. Beeraha Prof. Faarax Cilmi Maxamuud
19. Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi
20. Warfaafinta Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)
Iyo 6 Wasiir Ku Xigeen.

Xukuumaddii Ugu Horraysay Ee Uu Muuse Biixi Soo Dhisay:
1. Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire
2. Wasiirka Waxbarashada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir
3. Wasiirka Caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf
4. Wasiirka Qorshaynta Cawaale Ibraahim Shirwac
5. Wasiirka Daakhiliga Maxamed Kaahir Axmed
6. Wasiirka Gaashaan dhigga Ciise Axmed Yuusuf
7. Wasiirka Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi
8. Wasiirka Caddaaladda Cabdiqani Maxamuud Caateeye
9. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed
10. Wasiirka Beeraha Axmed Muumin Seed
11.. Hawlaha Guud Cabdirashiid Ducaale Qambi
12. Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Yuusuf Mire Maxamed
13. Isgaadhsiinta Dr. Cabdiweli Sh. Cabdilaahi
14. Ganacsiga Maxamed Xasan Sacad
15. Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Hinda Jaamac Xirsi
16. Horumarinta Maalgashiga Maxamed Axmed Maxamuud
17. Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Xasan Gaafaadhi
18. Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo
19. Deegaanka Shukri Xaaji Bandare
20. Wasiirka Biyaha Saleebaan Cali Koore
21. Macdanta iyo Tamarta Jaamac Maxamuud Cigaal
22. Wasiirka Gaadiidka Cabdilaahi Abokor Cismaan
23. Xidhiidhka Golayaasha Maxamed Xaaji Aadan
Iyo 9 Wasiir ku xigeen.
Dad badani waxa ay faallo ka bixiyaan tirada iyo tayada labadan xukuumadood.
….La Soco




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *