BREAKING NEWS
Search

Intifaacsiga Dakhliga Khayraadka Dabiiciga ah (Shiidaalka & Macdanta)

Dakhliga khayraadka Dabiiciga ah ee Shiidaalka iyo Macdantu waxay ka mid yihiin nimcooyinka ilaahay ku manaystay bini aadamka. Sida nimcooyinka fara badan ee ilaahay ku galladay bini aadamka Shiidaalka iyo Macdantuna waxay leeyihiin laba weji oo ku xidhan hadba qaabka iyo hanaanka loo maamulo dakhligaas iyo sida looga faa’ideeyo dadka iyo umadda markaas nimcadaasi dhulkeeda ku duugantahay.
Labadaa waji ayaa kala ah:
1. Waji Wax dhisa: oo ku yimaada marka loo maamulo dakhligaas si masuuliyadi ku dheehan tahay iyadoo lagu maamulayo khayraadkaas cadaalad, taxadar iyo aqoon, marka intaas la helo waxa uu noqdaa dakhliga khayraadkaas kasoo xaroodaa mid wax dhista, oo dalkaas dhaqaalihiisa, horumarkiisa, kaabayaashiisa dhaqaale iyo aqoonta shacabkaba dhista oo kor u qaadda.

2. Waji Wax Dumiya: oo ku yimaada marka loo maamulo dakhligaas si masuuliyad darro ku dheehan tahay oo shacabka iyo umadda aan la gaadhsiin oo eex, musuqmaasuq, cadaalad daro iyo qorshe xumo lagu dhiso qaybinta iyo maamulka dakhligaas, arintaas oo aakhirka dumisa dhaqaalaha iyo midnimada iyo isku duubnaanta dalkaas ama umaddaas.
Shiidaalka iyo macdantu waxa ay ka mid yihiin khayraadka sida deg dega ah u saameeya dhaqaalaha waddamada, tusaale ahaan: dalalka Khaliijka Carbeed waqtigii ka horeeyay helintaanka shiidaalka waxa ay ahaayeen dalal saxare ah oo in lagu noolaadaa ay adagtahay, dadka degen dalalkaasi waxa ay ku noolaayeen nolol aad u adag. Ka dib markii shiidaalka la helay ee lalasoo baxay dalalkaasi waxa ay gaadheen horumar dhinacyo badan ah.
Haddaba si aynu u fahano qaabka iyo hanaanka labada waji ku iman waa in aynu diraaseeno oo aynu isla fahano dalalka adduunka kuwa ka faa’iideestay dakhligaas dabiiciga ah iyo dalalka dakhligaasi ay ku noqotay habaar iyo musiibo (Resource Curse).
Dalka Norway:
Dalka Norway waxa uu ka tirsanyahay dalalka iskandeneefiyaanka ee ku yaalla waqooyiga qaaradda yurub, sanadkii 1969 ayaa dalkaas laga helay shiidaal isla markaana sanadkii 1971 ayaa shiidaalkaas lasoo saaray oo la bilaabay in la dhoofiyo oo dunida loo iib geeyo.
Ka hor intaan shiidaalka lasoo saarin dalkaas Norway waxa lagu tirin jiray dalalka ugu faqiirsan dalalka galbeedka yurub; oo dalalka ingiriiska iyo faransiiska hadii la barbardhigo dhaqaalahoodii 1971 wixii ka horeeyay waxa si cad u muuqanaysa in dhaqaale ahaan iyo heerka noloshaba ay wax badan ka horeeyeen dalka Norway oo berigaas GDP per Capita (Wax soosaarka dalka oo loo qaybshay tirade dadka degen dalka) uu ahaa $3,722.
Farsamadan GDP per Capita waxa ay tahay hanaan lagu qiyaaso heerka nolosha ee dal ka jira, oo wax soosaarka dalkaas ayaa loo qaybiyaa tirada guud ee dadka ku dhaqan dalkaas, halkaasna waxa kasoo baxa dadkaas ku nool dalkaasi heerka nololeed ee ay ku noolyihiin.
Halka sanadkii 2013 GDP per Capita ee dalka Norway uu ahaa $102,574 taas oo uu ku mutaystay inuu noqdo dalka Saddexaad 3aad ee dunida ugu heer nololeed wanaagsan ama ugu sareeya.
Dawladda Norway markii shiidaalka laga helay waxa isla markiiba laysla gartay in shiidaalkaas sida ugu haboon loo maamulo, dadkoo dhanna looga faa’iideeyo, isla markiiba waxa laysla qaatay in dhaqaalaha kasoo xarooda shiidaalku ay tahay dakhli dadkoo dhami ay wada leeyihiin oo si toos ahna ugu soo xaroota dawladda dhexe; oo sidaasna lagaga badbaado in dad gaar ahi ay manaafacsadaan ama cid gaar ah si khaas ah loo siiyo, waxa intaas lagu daray in la unkay qaabkii iyo hanaankii cashuureed iyo waliba siyaasadihii lagu hagi lahaa shiidaalka baadhitaankiisa, soosaarkiisa, iibgeyntiisa iyo soo xareenta dhaqaalihiisaba.
Haddaba muuqaalada iyo tallaabooyinka ay dadka Norway qaadeen si ay u maamulaan dakhlida shiidaalka oo ay uga faa’ideystaan waxa ka mid ah:
1. In laysla garto in dakhlida shiidaalku ay tahay dakhli dadweynuhu ay wada leeyihiin oo aan la kala xigsan karin, dawaladdana maamulkeedu uu saran yahay.
2. In la dejiyo siyaasadihii, xeerarkii iyo qaab cashuureedkii lagu hagi, maamuli iyo xakamayn lahaa dakhligaas faraha badan ee kasoo xaroota shiidaalka:
A. Siyaasadda maamulka Shiidaalka (Petroleum Policy)
B. Xeerka Baadhitaanka, Soosaarka iyo raradia Shiidaalka (Upstream Petroleum Bill)
C. Xeerka dakhlida kasoo xaroota shiidaalka (Petroleum Revenue Bill)
D. Xeerka maalgelinta dakhlida kasoo xaroota shiidaalka (Oil Fund Mechanism)
3. In lagu maamulo qaab hufnaan, daacadnimo iyo cadaaladi ka muuqato oo hay’ad gaar ah loo xilsaaro oo ka masuul noqota dakhligaas maamulkeeda.
4. In mar walba lagu kaantaroolo inay dakhligaasi noqoto mid dadweynaha usoo noqota iyo dalka.
Dhaqaalaha shiidaalka kasoo gala dalka Norway waxa uu si toos ah ugu soo dhacaa dawaladda dhexe oo iyaduna isla markaa bangiga dhexe ku wareejiysa, dhaqaalahaasi waxa loo adeegsadaa wejiyadan:
1. Horumarinta dalka sida: kaabayaasha dhaqaale ee dalka: jidadka, dekedaha, madaarada
2. Horumarinta dakhliga shakhsiga ah ee muwadiniinta
3. Horumarinta adeegyada bulshada ah ee muwadiniinta sida: Caafimaadka iyo Waxbarshada
4. In loo ilaaliyo si miisaaman sarifka lacagta dalku uu leeyahay ee Krone ka
5. In lagu maalgeliyo qaybaha kale ee wax soosaarka ama ganacsiga dalka
6. In dalka debediisa lagu maalgeliyo iyadoo dhaqaalahaas kasoo xarooda maalgelintaasi ay dawladda iyo dadka ugu soo noqoto

Dawaladda Norway waxay sameesay xeerar sanduuq maalgashi (Government Pension Fund Global), oo dawalddu ay ku maalgeliso dakhlida shiidaalka qayb ka mid ah si mustaqabalka jiilalka dhalan doona ay uga faa’ideestaan dakhlida shiidaalka, sanduuqaasi waxa uu maalgashadaa dhamaan qaybaha kala duwan ee suuqa ganacsiga sida: bangiyada, dhismaha, isgaadhsiinta, tiknooloojiyadda iwm.
Waqti xaadirkan la joogo dakhlida sunduuqaasi uu maalgeliyay ama uu maamulo (Oil Fund Assets) waxay labanlaab ku tahay GDP ga dalka Norway.
Arintaas oo laga dheegan karo in shiidaalku aanu ahayn mid hakad ama dib u dhac ku keena qaybaha kale ee wax soosaarka ama ganacsiga ee dawladi leedahay, balse hadii shiidaalka lagu maalgashado qaybaha ganacsiga ee kala duwan; uu noqon karo mid wax ku kordhiya oo kobciya ganacsiyada iyo wax soosaarka kale, wadankuna aanu noqon mid ku tiirsan shiidaalka oo qudha.
la soco qaybta labaad




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *