BREAKING NEWS
Search

Intay Mid Kacaanka Ka Soo Horjeeda Dhali Lahayd, Garac Kacaanka Taageersan Ha Dhasho

Dumarkii iyo caruurtii uu illahay ku karaameeyay inuuu madax u noqdo ayuu godoomiyay in diyaaradihii cashuurtooda lagu soo gaday lagu duqeeyo oo lagu baabi’iyo, wuxuu ka dhigay wax dhintay, wax Ethiopia hoos galay iyo wax Canada ilaa Australia u kala yaacay, wuxuu adeegsaday calooshooda u shaqaystayaal si ay caasimadii labaad ee dalkiisa dhulka ula simaan, wuxuu burburiyay dareenkii Soomaalinimo iyo spiritkii walaalnimo, wuxuu ka takhalusay in dib loo helo Somali dambe oo isku dareena, isku dhan u jeeda oo isku hiilisa iyo dawladnimo dambe oo ay Somaliyi wadaagto.
Ka hor intii aanu qarxin dagaalkii dalka lagaga eryay kali taliyihii Maxamed Siyaad illahay camalkiisa haku abaal mariyee, waxa lagu amri jiray ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan gobolada Waqooyi inay si gaara u bartilmaameedaan dumarka, waxay ciidanku gaysan jireen falal badan oo kufsiya oo ka dhici jiray Hargeisa, Burco, Berbera, Ceerigaabo iyo Gabilay, marka odayaashu falalkan kufsi uga cawdaan nimanka ciidamada haysta oo badankooda Koonfur laga soo waaridi jiray, afbuuxa ayay ku jawaabi jireen, “Qudhmis ayaad noqoteen, markaa kacaan ayaa naagaha lagu beerayaa.”
Buuga ay qortay Raaqiya Omar ‘Government at War With İts Own People, 1990’ waxay ku xustay inay saraakiisha Ciidamadu odhan jireen, “Intay mid kacaanka ka soo horjeeda dhali lahayd, garac kacaanka taageersan ha dhasho.”
Waxa intaa dheer waxa jiri jiray wax layidhaa, ahna,… ahna… ah taliyaha guud ee ciidanka Soomalieed, ah madaxwayne ku xigeenka, ah wasiirka gaashaandhiga, ah ,ah… Waar ma dalkaa dad laga wayay, dulmigaasay waliba dadka qaar aan garashoodu qoto lahayni u barooranayaan. Miyay khalad tahay hadaan aamino in dawladii burburtay ee Somaliya intii ay u irmaanayd uun ay ka burburtay. Gaariyaa AHUN wuxuu ku maansooday:
“Nin dhadhaaran jiraybaa
Dhuuniga la waayiyo
Dheriga u darsanayee
Nimaan dhiili soli jirin
Bagaan dhiil yar ugu shubay”
Ragii Somali dhibta ay soo maartay, midka ay ku sugan tahay iyo dhibta ku soo socota baday mid qudha lalama xisaabtan bal qaar badan oo kamida waxaaba loo yaqaan geesiyaal Somaliyeed, qaarna waxaabay ka tirsan yihiin dawlada Farmaajo, goblan talo aduunyooy, ma gedmaan ayaamuhu.
Taarikhdu waa marag,
Waxa Maanta Joogana,
İyadaa u Markhaatiya.
Dhacdooyinka taariikhiga ah ee aan ka waramay hadaad rabto inaad hubsato tixraac ku samee buugtan.
1. Government at War with its own people, January 31, 1990.
2. Sharks and Soldiers by Ahmed Omar Askar,1994.
3. What ever Happened to Somalia, John Drysdale, 1990.
4. A Nation in Turmoil by Samatar, Said S, 1992.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *