Search

Ingiriiska Oo Somaliland Ku Guubaabiyey In Dib Loo Bilaabo Wada Hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Uu Markhaati Ka Noqdo

Hargeysa (Foore)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hogaaminayo Wasiirka Dawladda Ingiriiska u qaabilsan xidhiidhka horumarinta caalamiga ah Min. Grant Shapps, oo ay wehelinayso safiirka Somaliland iyo Somaliya u qaabilsan Ingiriiska fadhigeeduna yahay Adis-ababa. Amb. Harriet Mathews. Waxaana dawladda Ingiriiska iyo xukuumadda Somaliland kala saxeexdeen laba mashruuc oo waaweyn oo kala ah Biyo Ballaadhinta Caasimadda Hargeysa iyo Mashruuc la xidhiidha dhinaca Tamarta, iyada oo labadan mashruuc xukuumadda Btitain ku bixin doonta lacago aad u badan. Kulankan oo ahaa mid lagaga wada hadlay xidhiidhka qotada dheer ee u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska ayaa lagu soo qaaday xidhiidhka wada shaqayneed ee dhinacyada nabadgelyada mandaqada geeska afrika, xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee labada dalka ka dhexeeya. Iyada oo markii danbena la kala saxeexday heshiis la xidhiidha kaalmada ingiriisku ka geysto sanduuqa horumarinta Somaliland ee loo soo gaabiyo SDF, iyo Mashaariico horleh oo ay ka mid yihiin biyo gelinta dalka, Laydka iyo tamarta. Waxaana heshiiskan labada dal u metelaayey wasiirada Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiirka Ingiriiska u qaabilsan xidhiidhka horumarinta caalamiga. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inay weftiga Ingiriiska ka wada hadleen mashruuca sanquuqa horumarinta Somaliland (Somaliland development fund), sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia oo ay qayb ka noqdaan wadamada Ingiriiska iyo kuwii hore u bilaabay. Wasiirka Dawlada ingiriiska u qaabilsan xidhiidhka horumarinta caalamiga ah Min. Grant Shapps, ayaa isna sheegay inuu ka mahadcelinayo soo dhawaynta loo sameeyay iyo kulanka madaxweynaha. Waxa uu sheegay inay arrimo door ah isla lafo gureen, kuna dhammaadeen is af garad iyo midho dhal. Waxa uu sheegay in arrimaha laga wada hadlay ay ka mid ahaayeen ganacsiga iyo ammaanka oo dan u ah labada dal.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *