INAALILAAHI WA INAA ILAYHI RAJICUUN: Xaaji Dool oo Ku geeriyooday Hargeisa.

Hargeisa (Foore) Inaalilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun, Alla Ha U Naxariistee waxa galabta (18/1/2012) Ku geeriyooday Magaalada Hargeisa Xaaji Ibraahim Cabdillaahi (Xaaji Dool) oo Ahaa Gudoomiyihii Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista.

 

Alla Ha u naxariiste waxa uu Xaajigu Ku geeriyooday Gurigiisa kadib markii uu Kasoo Baxay Salaada casar, Isagoo Sida la sheegay geeridiisu ahayd Mawtal Qafle.

Dhamaan Hawlwadeenada Wargeyska & Websiteka Foore Tacsi Tiiraanyo Le U Dirayaan Ehelkii, Qaraabadii iyo Dhamaan Shacabka reer somaliland ee uu ka baxay Marxuunku, Waxaanu Ilaahayna Uga baryaynaa Inuu Janooyinkiisa ka Waraabiiyo

 

INAALILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

 

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *