Search

Ina-Xasan-Cawke: Xarragadii Iyo Xaash-Xaashkii Makrifoonka (1948kii – 2015ka)Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

Axmed Xasanna tii naga dishaay, dubatay jiidhkayga,
Dar Ilaahay waan kaa naxee, diric miyaad qaadday,
Dadkii baad ka wada oohisee, danab miyaad aastay,
Dayaxaad madoobaysayeed, damisay nuurkiisa,
Dib miyaan indhaha loo tusayn, Diirshe Ina cawke?
Doobtiyo rakaaddiyo codkii, dananka reemaayey,
Dib miyaan Ducaaloow dheguhu daacad u maqlaynin?”

Baroor-diiqda Dayax-madoobaad ee Xasan Daahir Ismaaciil, Weedhsame,

Qormada: 1aad

Hargeysa, 21/11/2015ka

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
‘Innaa Lillaah wa innaa ileyhi raajicuun.’ Waa geeri iyo camalkeed. Aan ku cudur-daarto tuduc aad u gaaban oo ku jiray maansadii Daalacan ee Hadraawi oo ah:
“Dib-u-dhigasho mooyee,
Wax is-doorshay ma ay dhicin,
Afartaa xan durugtiyo,
Danni jira wax-sheeggii,”
Axmed Xasan-cawke maa-daama dad aad u badan oo meelo kala geddisan joogaa ay yaqaanneen waxa ii muuqatay in meelo iyo siyaabo badanba loo xusi doono. Sidaas ayaan u yar lug-danbeediyay. Sidii ayaanay u dhacday oo waa taas tacsidii iyo baroor-diiqdiiba ay socdaan.
Waa subax Salaasa ahayd, taariikhda Miilaadiguna ku beegnayd 17kii, Noofambar 2015ka. Waa san ayaa noogu baryay magaalada Hargeysa oo aan ka mid ahay dadka deggen, haddii Eebbe idmana aan sii deggenaan doono inta noloshayda ka hadhay. Waa halka aan ku dhashay ee ay xudduntaydu ku aasan tahay.
Sidii dhaqanka iyo caadadaba ii ahayd waxaan toosay goor hore oo aan dhegaystay qaybo afafka qalaad ah oo BBC-da ah ka dibna u digo-rogtay VOA-da oo 6.30ka subaxnimo soo gasha. Wararka ka-sokow waxaan aad u xiiseeya heesta lagu soo khatimo oo mararka qaarkood ku aroorinaysa oo waayo-waayo ku xusuusinaysa. Waxaanan illoobayn Cabdi-qays iyo Aamina Canbdillaahi oo aroor dhaweyd hees kala roganayay. Waxaan is-idhi waa bilowgii lixdankii iyo magaalada Jabuuti. Inta aan subaxdaa iska daayay BBC-dii Soomaaliga ahayd ayaan dhakhso u baxay aniga oo Xisbiga Waddani ballan adag ku lahaa. Guddi gacanta ku haysay qabyo-qoraalkii Barnaamajka Wax-qabad ee Xisbiga Waddani ayaan la ballansanaa. Xafiiskii markii aan tegay ayaan arkay iyagii oo aan weli iman.
Gaadhigii ayaan dub u kala-xeelay aniga oo go’aansaday in aan soo maro dhakhtar aan la ballansanaa. Waxaan tegay Xarunta Baashista ee Rejo oo aan dhiigag iskaga qaadayay. Markii aan dhammaystay ee aan ka soo baxayay ayaa waxa iga dabo yimid wiil dhallinyaro ah oo Xaruntaa Rejo ka shaqaynayay oo aanu is-naqaannay. Isaga oo baalle-daymoonaya ayuu cod aad u hooseeyay oo aanay kalsooni badani ku dhehhnayn, dhegta ii saaray: “Miyaad maqashay geerida Cawke.” Aniguna yaabay oo idhi: “Cawke waa kee? Ma Ina Xasan-cawke?” Ku-ye wiilkii Guuleedna: “Haa.”
Aniga oo yar yaabban oo hoos isu weydiinaya halkii uu ku danbeeyay maa-daama an magaalada Hargeysa ku ogaa, ayaan Guuleed dib su’aal ugu celiyay. Waxaan weydiiyay halka uu ka maqlay. Ku-ye isaga oo aan shakisanayn: “Facebook-ga ayaa saaka ka akhriyay.” Inta aan hoos u hiifay Facebook-ga, ayaan aniga oo sii dhaqaaqaya ku idhi: “Waa beentood, maxaa yeelay maalinba qof nool ayay aasaan oo ay ku dul qoraan war deg-deg ah.” Sidaas ayaan ku dhaqaaqay aniga oo Guuleed shaki ku abuuray.
Aniga oo aan Xafiiskii Waddani gaadhin ayuu Guuleed i soo garaacay, ku-ye: “Adeer waa dhab oo wuxu ku geeriyooday saaka magaalada Jigjiga.” Markan warka dhiillada xanbaarsani waa uu i taabtay. Si buuxda uma xaqiiqsan bal se shaki iyo walaac ayuu igu dhaliyay. Guuleeed ayaan su’aal aan ku shaki-baxo weydiiyay oo ahayd: “Adeer, yaad ka hubisay ee warkan naxdinta leh ku saxeexan?” Guuleed oo aan is-dhibin isla markaana aan ii soo war-wareegin, ayaa iigu jawaabay: “Mulkiilaha Maalinlaha Geeska ee Raambo ayaan weydiiyay oo ii caddeeyay.”
Xaruntii Xisbiga Waddani markii aan gaadhay, ayaan Maxamed-raambo tilifoon u diray. Wuxu ii xaqiijiyay in uu Axmed Xasan-cawke si kedis ugu dhintay magaalada Jigjiga meydkiisana isla maanta la soo qaadayo. Waa sidii mocooyooyinkeen odhan jireen e’, warkaasi wuxu noqday ‘Xaqiiqal Maka.’ Dhowr tilifon oo kale ayaan diray oo uu ka mid ahaa Yoonis Cali Nuur. Qaarkood ayaa iigu jawaabayay: “Waxaan weli la kala caddayn Kalabaydh oo aabbihii ku aasan yahay iyo Wajaale midka lagu aasayo.” Mararka qaarkood ayay magaalada Gebilay sheekada xabaasha soo gelaysay. Qaar kale aya ku odhanayay saddex xabaalood ayaa la kala qoday.
Markii aan isu geystay wararkii tilifoonnada iyo mareegaha waxan isu diyaariyay in aan u ambo-baxo magaalada Wajaale oo warkii isugu biyo-shubtay in lagu aasay. Muran yar xoogganaa waxoogaa ayaa ka dhashay sababta loogu aasayo Wajaale oo qarka Itoobiya ah. Markii aanu goobta tagnay se, waxaanu xaqiiqsannay in ay Dawla-degaanka Soomaalidu sidaas door-bidday si ay iyaguna ilaa heer Madaxweyne ugaga soo qayb-galaan
Wuxu ahaa Axmed Xasan Suufi-cilmi. Aabbihii Xasan waxa loo yaqaannay Xasan-cawke. Hadda ma aha Xasan Cawke ee waa Xasan-cawke. Sidaas daraaddeed sifada Cawke waxay ahayd sifo ku ladhnayd ee ma ay ahayn magaca Xasan aabbihii oo ahaa Suufi-cilmi. Sida dadka intiisa badani u haysato, Cawke ma aha magac Axmed lahaa ama magaca awowgiiba.
Aabbihii ayaa la odhan jiray Xasan-cawke oo ay tahay in aad u qaadataan in Cawke ay ahayd sifo aabbihii magaciisa lagu ladhay. Haddii aan cabbaar raadiyay macnaha ereyga Cawke waxa la iigu sheegay adeygga ama qofnimo ha noqoto, ama hadalka ha noqoto ama si kaleba ha noqoto e’.
(La soco berri, haddii Eebbe idmo)




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *