BREAKING NEWS
Search

Ileen Hargabkuba Marbuu Hawl Badan Yahay!!! W/Q Siciid Maxamed Axmed.

In kasta oo jawigu yahay mid habboon, naftuna jeclaysanayso muuqaalka ay sameeyeen cadceeda liiqa sii dhigaysa, roobka qaaday ee ka sii qoyan caleemaha dhirta dushooda iyo jeegaanta dheega soo dhigtay ee cirka dhexroorka looga dhigay, haddana adduun hawli kama dhammaatee, Qorafal waxbaa luraya laabtiisa oo uma faraxsana sida dadka agagaarkiisa susumayaa u faraxsan yihiin! Wuxuu socdaa jidh ka mid ah marinada halbawlayaasha ah ee isku-xidha dacalada magaalada. Wuxuu damacsan yahay, inuu u legeeyo oo gaadho Maqaaxi aan ka fogayn halka uu degen yahay. Intuu jidka dacalkiisa midig cagta saaray, ayuu socod talaabada dedejinayaa. In kasta oo uu degenaan duleed muujinayo, haddana hoosta ayuu ka hurayaa, oo intaas waxa uu kala haadinayaa mawjado iyo maayado ay waayaha iyo wakhtigu wehel uga dhigeen. Mararka qaar, fakarka waxaa u dheer dhaqaaq joogsi oo waxaad moodaa in ged-gedoonka afkaarta qalbigiisa dhex mushaaxaysaa noqdeen sidii joojiye (biriig) iyo dhaqaajiye (leewar) socodkiisa hoggaanka u qabtay!

Qorafal Qaanyare wuxuu socodkii sutida u hayoba, wuxuu si kedise ah ishiisa ugu dhuftey wax uu “Joornaal” u gartey oo hortiisa yaala, oo neecawda dhacaysaa ay kolba bog rogayso. Maba dhaafine, markii uu ku beegnaa meeshii Joornaalku yaalay ayuu ku foorarsaday oo dhulka ka qaaday. Mise ha iskaba habaas weynaadee waa wargeys aad caan u ah oo dadweynaha intooda wax akhridaa amaanaan ama ugu yaraan ku majeertaan inuu yahay xog-side xiiso iyo xalad badan; waa wargeys aan xaalkiisu ahayn maalin-dagaal, isla markaana wax xushmayn ah aan siin xamaasadaha siyaasadeed ee ay wargaysyada dhigiisa ahi yaalaaba bogogooda hore ku xardhaan. Ku darsoo, Qormada uu Wargeysku caanka ku yahay waa mid joogto ah taasoo ku suntan ciwaankan: “Xalada iyo Xikaayaadka Xikmado Weeleysmay”. Waa yaabka yaabkiise, Qorafal nuqulkan Wargeyska ee uu gacantiisa ku hayo waxaa ku qoran sheeko ciwaan looga dhigay: “Ileen Hargabkuba Marbuu Hawl Yahay!” Inta uu isqotomiyay sidii ruux laydh ku dhegay ayuu Qorafal Sheekadii meesha ku qornayd isha lasii raacay oo hungureeyay inuu socodka ku akhriyo kuna fahmo dulucda sheekhadani daaran tahay. Waxba yaanan hadalka kugu daaline sheekadii Qorafal ka yaabisey waxay u dhigneyd sidan:

“Maan moogayn in hargabku diiqad galiyo ruuxa uu haleelo, waligayna waan maqli jirey, isla markaana arki jirey qof hargab hayo oo juucjuuc guud, xubno xanuun iyo wax aan kasii ridnaynba ku keenay. Intaas oo kale, ayaan anna uga bartay inuu hargabku i bado markasta oo uu igu dhaco. Way dhacdaa in mararka qaarkood, hargabka noociisa daran ee lafo-garaaca wataa I haleelo oo aan maalin amma lababa guriga ku nagaada kana dib-dhaca shaqada iyo hawlihii kale ee aan dibada kasoo qabsan lahaaba. Mase maqal, horena ima soo marin, hargab loo sakaraaday, loo saxariiray ugu dambeyntiina loo geeriyooday. Sidaas daraadeed waxaan u qaadan jiray is-moodsiis, beer-nuglaan, calool-jilayc iyo cabanaan marka aan arko ama maqlo ruux la yidhi hargab buu la liitaa hebel.

Waxase igaga sii yaab badnayd marka aan maqlo hargab dartiis baa loo leeday. Anoon meel fogba jawaabta ka dayin, ayaan odhan jirey: duribaa qof dila qiiro Jabaan uun dheh! Bal adba ka sheekee, hadda waa Hargab, aan wax kale ku lammaanayn, ayaa lagu leeyahay, mar baa jirta inta uu qofka lagu salidayo kusoo muruxsado; oo madax iyo mijaba qaado; kadibna qudha ka jaraa“ Salaamaad min kuli aafaad!..Naguma dhaco la fogee”. Markay dhegteydu maqasho duribaa laayay oo ay u leedeen inankii Qoomaal, inantii Quman, odaygii Qudhac iyo islaantii Qabdhama, intaan dhabanka iyo gacanta isa saaraan odhan jirey: Soomaali waligeedba naf teedii gashay oo saacadeedii dhamaatey ayay sabab u raadiyaan…Intaas kumaan eekaan jirine, waxaan doodeyda ku ladhi jirey, ilaaq iyo kaftan oo waxaan odhan jirey: dee haddaa hargabku ha lagu daro cudurada dilaaga ah ama aafooyinka islaamuhu markay Allahooda u siciidka yihiin ka ducaystaan ee ay yidhaahdaan: ta sare raaran, ta dambe reeban, ta hareeruhuna riixan!
Waxaan mooganaado aafada halista hargabka waliba bahalku iskuma jiree noociisa darran ee diifta badan, waayo dhaweyd uun bay ahayd markii uu i haleeley hargab aan ku dhibtooday! In kasta oo aan miciin biday calool adayg iyo yaan lagaa dareemin, haddana xumada, kaarka iyo kulaylka oogada dushayda ka baxayaa waa wax aan marnaba la qarin karin. Waxa intaas ka daran, salalka iyo seexan waaga uu i baday durrigan i cadibay. Xiiqa, xabeebta iyo xaakada silan waxaa igaga daran xubno xanuunka i saaqay tin ilaa cidhib. Madax faradka i haya dartii malahayga dhakadayda dhari reer deeqa ayaa lagu karin karaa haddii dab la waayo! Hadaad hagaag u dhugato foolkayga waxaa kormaray oo ka sareeya wahab ka kaxeeyay dhalaalkii lagu yiqiiney.

Caawa bil gaw ah baan tirsanayaa tan iyo markii hargabkani igu habsaday. Wali ma helin dhakhtarin ka baxsan daawada aan annigu isu qoray oo aroortii iyo casarkiiba waxaan liqaa laba laba xabo dulqaad iyo samir ah! Cajab! Ku darsoo, saqda-dhexe habeenkiina waxaan isu qoray cantuugo biyo ah iyo cabaar soo-jeed ah oo aan uga faa’iidaysto inaan rajeeyo rayn-rayn ii badasha rafaadkan aan la lagdamayo…Arooryada hore marka waagu baryayana waan soo baraarugaa oo intaan barbarka midig u jiifsado, kuna dhaygago gidaar halkeer ah oo sariirtayda soo eegaya ayaan (wax kale kuma garatide) soo-jeedka ku riyoodaa.. Mararka qaar waxa maankayga iyo maskaxdayda ku soo dhacda heeskii ay Khadra Daahir ku luuqayn jirtey, ee odhan jirtey: ma riyaan soo jeed ka dhigan, ma dhibaan raaxo moodayaa……. Intii hurdada lagu riyoonayayna danbay ahayde, haatan anigoo soo quturan oo soo jeeda ayaan riyoodaa, hadraa oo hugmaa!
Nin kastaa ha hadlee, haddaan garawsanahay in hargabkan igu habsaday huq iyo hawl badnaa, haddana gun-nimada, goor-xun-socodka iyo gujo kulaylka wuxuu kaga daray garawshiyo la’aanta iyo gocosho badnaanta uu ku galaaftey galadii iyo guushii aan goobaayay…

waxba yaanan hadal kugu daaline, haraatida hargabkani waxay kusoo beegantay xili kala guur ah oon holaday inaan u hayaamo halkeer iyo hiigsi cusub. In kasta oo aan haddii aan ku faro-adaygi lahaa fayo-dhawr iyo dabiib wixii daaweyn loo doorbido, aan malahayga caafimaad heli lahaa, haddana, waa yeelkeede, ma rabo inaan korodhsado faduul hor leh oo ii horseeda canaan iyo calool nugayl laga yaabo in aanan kaga bagsoon caabuqa hargabkani ii guntay.

Lalabada, lurka, luxanka iyo laab-lulanka uu durigani igu keenay waa wax aan xasuusan doono haddii naftu igu nagaato. Habka daaweynta ee aan doorbiday iyo is adkayntuba waa kuwo aan mahadiyay, ilna iskaga gartey. Waxaan talamo oon taahaba, maantaan ugu fiicanahay oon dareemayaa in aan ka soo doogay raadkii tabnaa iyo raafaadkii hargabku igaga tagay. Waan hubaa oo haatan fay baan ahay, inaan waliba fidh noqdana waan u faadhumaysanayaa!
Isagoo dhaygagsan ayuu Qorafal Qaanyare ku war helay dhammaadka Sheekadii magaceedu ahaa “Ileen Hargabkuba Marbuu Hawl Badan Yahay!” inta uu isku laabay Wargeyskii uu socodka u hakiyay, ayuu ku tuuray halkii uu yaalay markii hore meel aan kasii fogayn oo Jidka weyn agtiisa uun ah. Haddiiba uu socodkiisii amboqaaday, haatan wuxuu soo gaadhay goobtii uu u socday.

Meeshu waa makhaayad faras-magaalaha ku taala oo had iyo gooraale looga bartay qaxwe wanaagsan oo dhafoor jabiye ah. Halkaa markii uu marayay, ayuu Qorafal Qaanyare hurdadii ka toosay! Shaw socodka uu socday, wargayska uu wadada ka qaaday ee uu akhriyay iyo maqaaxida uu fadhiistayba waxay wada ahaayeen riyo! Cajiib… Ha yaabin akhriste adigu waad soo jeedaaye!

W/Q Siciid Maxamed Axmed.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *