BREAKING NEWS
Search

Ilaalada Madaxtooyadda Oo Caawa Rasaas Ooda Kaga Qaaday Gaadhi Yar Oo Si Kedis Ah Afka Ula Galay Kaabadaha Horyaalla Madaxtooyada

Hargeysa (Foore)- Ciidamadda Ilaalada Madaxtooyadda Somaliland ayaa xalay fiidkii rasaas ooda kaga qaaday gaadhi nooca raaxada ah oo si lama filaan ah u galay kaabadaha difaaca amni (Security Guard) Madaxtooyadda.

Ciidamadda Ilaaladda Madaxtooyadda ayaa Rasaas badan ku riday gaadhigan oo ay la socdeen laba nin, ka dib markii uu si kedis ah uu afka u saaray kaabadaha difaaca argagixisadda Madaxtooyadda, gaar ahaan kuwo ku beegan albaabka laga gallo Madaxtooyadda.

Ciidamadda oo ka shakiyey gaadhigan markii uu afka la galay kaabadaha rasaaseeyay, iyadda oo markaa ka dib uu gaadhigu istaagay, baadhitaan ku sameeyeen gaadhiga iyo labadii nine e watayba.

Labadan nin ee gaadhiga watay, ayaa markii la wareystay ciidamadda u sheegay inay ka baqeen shil baabuur ka dib markii gaadhi kale wadada ku cidhiidhyey, doonayeena inay jidka uga durkaan, balse uu gaadhigu la taraaray, taasina keentay inay afka la galaan kaabadaha Madaxtooyadda hor-yaalla.

Intaasi ka dib, ayaa waxa halkaasi soo gaadhay saraakiil boolis ah, kuwaasi oo maqlay rasaasta ilaaladu ku riddeen gaadhigan, taasi oo aan wax khasaare ah gaysanin.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *