Search

DAAWO: Muxuu Cali Guray Ka Yidhi Taageerada Madaxweyne Siilaanyo Ee Muuse Biixi, Tartanka KULMIYE, Wasiirradii Is Casilay Iyo Dawladda Ku Fashilantay Tartankii Ciyaaraha Gobolada

Cali Gurey Oo soo Faqay Taariikhda Madow ee ka dhaxaysa Siilaanyo iyo Muuse Biixi Taas oo Ka soo Bilaabmaysa Halgankii Dib u Xoraynta Waddanka Ilaa Maanta.

Hargaysa (Foore)- Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” oo Shir Jaraa’id Maanta ku qabtay Xarunta Xisbigaas ee Magaalada Hargaysa ayaa Nasiib daro ku Tilmaamay in Xukuumadu ku Guul daraysatay Wareegii labaad ee ciyaaraha gobollada Somaliland oo maalmahanba la sugayey Isla markaana si kadis ah uga ambo baxay Caasimada Hargaysa .

Cali Guray ayaa Sidoo kale Waxa uu Sharaxay Khilaafka ka dhex aloosan Xisbul Xaakimka Kulmiye oo Saamayn ku yeeshay Xasiloonida dalka sida uu Yidhi, Waxaanu dhaliilo adag u soo Jeediyey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo uu Sheegay inuu Tan iyo Halgankii Qaaxo ee SNM hagar daamo ku hayay Madaxweyne Axmed Siilaanyo,Isagoo intaas ku daray in Garab saarka la sheegay inuu Madaxweynuhu taageero ugu Muujiyey Gudoomiye Muuse Biixi inaanay ahayn Kalgacal uu u hayo,Waxaanu Inraas ku Ladhay in Axmed Siilaanyo og yahay in Gudoomiye Muuse Biixi aanu Weligii Madaxweyne ka noqon doonin Somaliland,Waxaa kale oo uu Ku dooday inay Waajib ahayd in Gudoomiye Muuse Biixi lagula Tartamo Markii loo dhiibayey Jagada Gudoomiyaha Xisbiga Isagoo hoosta ka xariiqay In Madaxweyne Siilaanyo uu ka baqo Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo Kale Cali Guray Wuxuu amaan u soo Jeediyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka dhiidhiyey Sida uu Xusay Go’aankii Madaxweynaha ee uu Wasiirada Beeshiisa ku amray inay ku dabo faylaan Gudoomiye Muuse Biixi.

Hadaba Qurbejoog.com ka Daawo Shirka Jaraa’id ee Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *