Search

ICC: Maxkamadda Danbiyada Africa Mise Caalamka?

Eedaymo iyo dhaleecaymo badan oo ka imanaya Qaramadda Africa ayaa ku wajahan Maxkamadda ICC. Eedaymahani waxay bilawdeenmarkii maxkamadu dacwado ku oogtay Madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa Ruto.Doodahani waxay sii xoogaysteen bishan June ee 2015 kadib safarka uu SouthAfrica ku tagay Madaxweynaha Sudan, Cumar Xasan Al Bashiir oo ka qayb galayashirka Qaramada Africa (African Union Summit). Maxkamadda ICC waxay codsatay inAlbashir lagu xidho South Africa – iyadoo arintaasi ka jawabaysa Maxkamadda SouthAfrica waxay soo saartay wareegto ay ku amrayso hay’addaha ay khusayso ee SouthAfrica in aan loo ogolaan Albashir in uu ka baxo South Africa. Dad badan & dawlado badan ooAfrikaan ah ayaa aaminsan in Maxkamadda Caalamiga ah ee danbiyadu ay tahaynidaam cusub oo dib u abuuraya haysashadii Gumaysiga. 60% kharashka ICC waxabixiya Midawga Yurub (EU). Mareegta ICC waxa si cad ugu qoron in ay maxkamadudhaqaale ka hesho sharaaig iyo shakhsiyaad kale. Sida hay’addaha kale eecaalamiga ahba, xidhiidh dhow ayaa ka dhaxeeya kharashka hay’addi ku shaqaysobixinteeda iyo saamaynta ay cida bixisay ku leedahay hawlaha hay’addaasifuliso. Kooxaha Africa ee sida weyn udhaleeceeya ICC waxay ku doodaan in ICC ay fuliso siyaasadda Arrimaha Dibada eeYurub oo si heer sare ah loo doorto hadba meelaha sida siyaasadaysan loo farogalinayo iyadoo lagu salaynayo danaha reer Galbeedka. Waa sababta EU-du ay ubixiso kharashka ugu badan ee ku baxa Maxkamadda. Cilmi baadhayaasha qaarkoodayaa ku dooda in ay ICC tahay Xabsiga Guantanamo Bay ee Europe (ICC: Europe’sGuatanamo bay). Maxkamadu waxay si muuqata uguwajahan tahay Africa gaar ahaan Afrikaanka madow (Black Africans). Xasuuqyo iyodanbiyo dagaal oo ka dhacaya wadamo ka baxsan Afrika si cad oo waadix ah ugumajiraan qorshayaasha maxkamadda. Bal u fiirso waxa ka dhacaya Burma, Venezuela,Colombia, Iraq, Syria, Afghanistan, Egypt IKK. Dacwad oogihii hore Maxkamadu LuisMoreno-Ocampo wuxuu si cad u diiday in uu qabto dacwad ka dhan ahayd Tony Blairkuna wajahnayd dagaalkii dhibka badan keenay ee uu Ciraaq ku qaaday. Ocampomarkii uu diiday qabashada dacwadaasi, ICCWatch waxay ku doodeen in uu jiro midloogu yeedho “Sharciga Caalamiga ah” oo Yurub, wadamadda galbeed& hogaamiyayaashooda loogu talo galay iyo sharci caalami ah oo ka duwankaasi oo dunida Saddexaad loogu talo galay. Dacwadaha ka furan Maxkamaddu ilaahadda waxay ku socdaan Muwaadiniin African ah. Prof Mamdani, waa Ugandhiis ahMadaxa machadka cilmi baadhista ee Jaamacadda Columbia ayaa qoray “ICCwaxay ku shaqaynaysaa agandaha reer galbeedka, gumaystayaashii hore ee Afrikaayaa saamayn toos ah ku leh ICC”. Wadamadda Afrika waxa Culaysbadan saaray Europe si ay u saxeexaan heshiiska Rome Statute iyagoo shuruud kuxidhay wadanka aan saxeexin in aanu ka mid noqonayn heshiiska Africa-EU TradePact – The Cotonou Agreement oo ahaa heshiis lagu soo qariyay mashaariic quruxbadan balse masiirka danbe ahaa in danbiyada Africa ka dhaca lagu maxkamadeeyoICC (Impunity & promotion of Criminal Justice Through ICC). In kastoo Albashiir dunuub badanka galay dadkiisa Darfur isla markaana ay tahay gar in uu wajaho maxkamad sicadaalada loo hor geeyo, haddana ICC waxa ugu qarsoon arinta Sudan iyoAfricaba qorsheyaal ka mug weynmaxkamadayn masuul dambiyo galay. Inta saluugsan qorshayaasha ICCwaxay qabaan in ay Africa ay iyadu qabsato shaqadeeda oo ay maxkamadeeyaan danbiilayaasha Africa. Balse aanay maxkamadayn hay’ad loo arko gumaysiga cusubisla markaana lumiyay kalsoonidii iyo u dhex ahaanshihii caalamka iyadoo doodutahay in ay ICC noqoto Maxkamadda Caalamiga ah ee Danbiyada Dunida amaMaxkamadda Caalamiga ah ee Danbiyada Africa.
Cabdirashiid Ibraahin, UOH




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *