Hub Laga Xaday Bakhaarro Kuyaallo Madaxtooyada Soomaaliya

Muqdisho (Foore) Warar aanu ka helnay muqdisho ayaa waxa ay Xaqiijinayaan in Hub Lagala Baxay Bakhaaro Kuyaalla Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo uu degenyahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud.

Dhinacyo Kala duwan oo aan La xiriirnay ayaa waxa ay Xaqiijinayaan in Xalay laqabtay illaa 11 Rasaasta Hoobiyaasha ah oo lagala baxayay Bakhaar ku yaalla Madaxtooyada hase yeeshee intaasi Markii ay Xalay dhacday kadib Baadhitaanno lasameeyay waxa lagu ogaaday in hub fara badan uu ka maqanyahay Bakhaarada Madaxtooyada oo Muddo aan La’ogeyn halkaasi laga qaadan Jiray Hubkaasi.

Wararku ayaa waxa ay sheegayaan in arrintaas loo xidhayka Nin Kabtan ah oo Magaciisa Lagu soo koobay Cabdi Fataax.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Max’ud ayaa lasheegay in Maanta uu Kormeeray Bakhaaradaasi Hubka uu Yaallo ee Madaxtooyada dhexdeeda ah islamarkaana uu soo Xaqiijiyay in hub Fara badan uu halkaasi Ka maqanyahay.

Arrintaan ayaa keeni karta Saameyn Xoogan Maadaama Soomaaliya dhawaan Loo Fasaxay in Laga qaado Xayiraadda Hubka ee saareed iyadoo dhinaca kalana ay adkaan doonto Ciddii Masuul ka noqon lahayd haddii hub ay Soomaaliya hesho Maadaama Madaxtooyadii dalka hub Laga Xadayo.

Kamaal Ismail Adan

Foorenews.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *