Search

Hor-joogaha Muqdisho Oo Qiray In Lagu Hungoobmay Himiladii Lixdankii, Sheegayna In Aanay Somaliland Wax Colaada La Rabin

Muqdisho (Foore)- Madaxweynaha Maamulka Muqdisho ee dalka Dagaaladu aafeeyeen ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Himiladii Lixdankii dadka Soomaalidu lahaayeen gaar ahaan reer Somaliland ay noqotay wax aan la gaadhin inkasta oo uu sheegay in qaybo ka mid ah himiladaasi laga xaqiijiyay isaga oo dhinaca kalena sheegay in aanay marnaba colaad iyo dhibaato la rabin walaalahooda Somaliland sida uu hadalka u dhigay.
Horjoogaha kooxda Fadhigeedu yahay Muqadisho ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay wali qabaan rajo ah in ay Somaliland ka mid noqoto Soomaaliyada uu sheegto in uu Madaxweynaha u yahay isaga oo sheegay in aanay taasi ku gaadhi doonin dagaal iyo colaado lagu furo Somaliland ana dacaayado lagu wajaho balse ay wada hadal ku gaadhi doonaan in ay Hargeysa iyo Muqdisho mar kale midoobaan.
Madaxweynaha Villa Soomaaliya waxa uu sidan ka yidhi mar uu ka hadlayay xaflad ay ku qabsadeen magaalada Muqdisho oo ay ku sheegeen in ay ugu dabbaal degayaan wax ay ugu yeedheen Sannad-guurada 55aad ee ka soo wareegtay markii Cali Soomaaliyeed kii ugu horreeyey laga qotomiyey Caasimadda Hargeysa ee Somaliland, isaga oo Xasan sheekh sheegay in ay ka xun yihiin xanuun badana ay ku hayso wixii Somaliland ka soo gaadhay midnimadii ay la galeen Soomaaliya.
“Ma dafiri karno waxa dhacay, waxaan wada qirsanahay in dhibaatooyinka shacabka loo geystey ay ahaayeen kuwo fool xun. Waxaa loo baahan yahay in dhibaatooyinkaasi la iska daweeyo oo la helo xal lagu wada noolaan karo. Waa dhab in xusuus murugo leh ay nagu reebeen dhibaatooyinkaasi dhacay, hadana si aan horey ugu dhaqaaqno waa inaan is cafinaa oo aan dib nabad iyo caddaalad ugu wada noolaanaa. Himilooyinkii xornimada qaar ka mid ah waanu gaarney, qaar kale oo badanna waanu gaari weyney, marka si aan hawshaasi u dhameystirno waa inaan wadajir u shaqeynaa, isla markaana la dhisaa Soomaaliya cusub oo barwaaqo iyo nabad ku naaloota,” ayuu yidhi Xasan Sheekh. Sidoo kale, waxa uu intaas ku daray in Dowladdiisa Soomaaliya ay ka go’an tahay sii wadista wadahadalka ay kula jirto Somaliland, isagoo isla markaana fariin gaar ah usoo direy Somaliland waxaanu yidhi: “Mowqifka Dowladda Somalia ee ku Wajahan Somaliland waa mid Soomaalinimo iyo Walaalnimo ku dhisan. Waan ugu hambalyeynayaa nabadda ay sameysteen. Ma dooneyno inaan colaad iyo dagaal ka hurino, ma dooneyno inaan dacaayad ka fidino, balse waxaan dooneynaa inaan la shaqeyno, wixii tabasho ah oo dhexdooda ka jirana aan la xalino, kadibna aan wadajir u wajahno baahida aan wada qabno ee ah Soomaaliya midaysan oo horumarsan’’.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *