Search

Hooyo Fooq Iska Soo Tuurtay Markii Ay Cadho Ka Qaadday Wiilkeeda Oo Soo Guursaday Gabadh Gaaban

Haweenay u dhalatay waddanka Shiinaha ayaa la soo werinayaa in ay fooq iska soo tuurtay kadibna iyada oo dhaawacan ay mar kale u gurguuratay dhinaca webi fooqaasi hoos marayay marayay oo ay isku tuurtay kadibna maydkeedii webiga laga soo saaray iyada oo sababta ay haweenaydaasi isku dishay aad loola yaaban yahay markii la ogaaday in ay aad uga cadhootay in wiil ay dhashay uu soo guursaday gabadh gaaban oo ay waliba islaantu ku sheegtay in ay fool xun tahay sidaa darteed maadaama ay wiilkeeda la jeclayd gabadh dheer oo qurux badan ay sidaa isku dishay oo ay fooqa isaga soo tuurtay.
Sida uu ku soo warramayo wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa waddanka Ingiriiska oo warbixintan layaabka leh wax ka qoray oo wargeyska Foore ka soo xiganayaa waxa ay qisadan layaabka lihi ka dhacday Gobolka Ningling ee dhulweynaha waddanka Shiinaha kadib markii haweenay Hooyo ah oo lagu magacaabo Jingha Singi oo da’deedu tahay 47 Jir ay isku dishay cadho ay ka qaadday markii wiil ay dhashay uu mehersaday haweenay jidh ahaan aad u gaaban taasi oo hooyadan ka cadhaysiisay kadibna ay nafteeda sidaa ku khaarajisay.
Wiilka hooyadani dhashay ee sababta u ahaa in ay hooyadii adduunka ka tagto oo warbaahinta Shiinaha la hadlayay waxa uu sheegay in hooyadii ka xumaatay gabadha uu soo guursaday oo ay ku sheegtay in ay tahay haweenay gaaban oo fool xun kadib uu isku dayay in uu hooyadii ku qanciyo in gabadhan uu soo guursaday dookhiisa tahay ee ay sidaa ku qanacdo balse nasiib darro aanay hooyadaasi dookha wiilkeeda ku qancin ee ay door bidday in ay qudha iska jarto intii ay haweenaydaasi wiilkeedu soo guursaday ee gaaban ay mar walba arki lahayd.
Muuqaal Fiidoyow ah oo laga soo duubay xaaladda qoyskan hooyadood is dishay ayaa muujinaya hooyada oo fooq dheer iska soo tuurtay kadibna iyada oo dhaawac xun qabta ay u gurguuratay dhinaca webi fooqaasi u dhawaa oo ay isku sii tuurtay balse uu isla markiiba weelkeedii webiga ku dhex dhacayo si uu maydka hooyadii uga soo saaro. Muuqaalka ayaa muujinaya dhawr askari oo boolis ah oo goobta yimid markii hooyadani dabqada iska soo tuurtay sidoo kalena gacan ka siiyey in wiilku hooyadii webiga ka soo saaro maydkeeda.
Markii meydka hooyadan laga soo saaray webiga ayaa wiilka hooyadani dhashay waxa uu warbaahinta u sheegay sidan: “Muddo laba maalmood ah ayaa laga joogaa markii aan soo guursaday gabadh aanu muddo kooban is jeclayn. Hooyaday ayaan damcay in aan gabadha u keeno kadib markii ay aragtay gabadhii aan soo guursaday ayay hooyaday aad u cadhootay waxaanay ii sheegtay in aanay naagtan doonayn oo ay gaaban tahay sidoo kale aanay lahayn weji qurxuun. Waxa aan isku dayay in aan ku qanciyo in ay ogolaato guurka gabadhan ee aan soo guursaday oo ay noo ducayso basle way diidday waxaanay ii sheegtay in ay niyaddeedu burburtay markii ay aragtay muuqaalka gabadhan oo ay ku sheegtay mid gaaban iyada oo sheegtay in ay mar walba ku riyoon jirtay in aan soo guursan doono gabadh dheer oo qurux badan. Sidaana ay maalin kadib isku dishay. Waan ka xumahay in aan sabab u noqday geerida hooyaday oo aan aad u jeclaa” ayuu yidhi Sechi Wong oo ahaa wiilka hooyada is dishay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *