Hoggaamiyaha Urur Siyaasadeedka WADDANI Oo Ka Hadlay Socdaalkii Uu Ku Tagay Dalalka Kenya Iyo Ingiriiska

Hargeysa (Foore)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka WADDANI Md. C/raxmaan Maxamed C/laahi ( Cirro), ayaa galabta ka soo degay madaarka magaaladda xeebta ku taalla ee Berbera, ka dib markii uu soo dhamaystay socdaal uu ku tagay dalalka Ingiriiska iyo Kenya.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro oo madaarka ugu waramayay saxaafadda ayaa ka warbixiyay booqasho uu ku tagay wadamadda Ingiriiska iyo Kiiniya, waxana uu tilmaamay in safarkiisu la xidhiidhay sidii uu uga warami lahayeen xaalada guud ee dalkaJaaliyadda ku dhaqan waddamada Kiiniya iyo Ingiriiska.
Waxa kale oo uu xusay in safarkiisu la xidhiidhay sidii uu ku dardargalin lahaa taageerayaasha ururka Waddani ee wadamadaasi.

Guddoomiyuhu waxa uu mahadnaq u soo jeediyay taageerayaasha ururka WADDANI ee waddamada Kiiniya iyo Ingiriiska oo uu xusay inay si weyn u soo dhaweeyeen taageero balaadhanna u muujiyeen ururkiisa.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxa farxad wayn ii ah in aan ku soo noqdo dalkaygii hooyo markii aanu safar shaqo ku tagnay dalka Ingiriiska iyo dalka Kiiniya anagoo u soo waranay jaaliyada reer Somaliland ee halkaa ku nool kulamo gaar gaarana la yeelanay taageerayaasha ururka WADDANI.

Waxaanan uga soo waramay xaalada guud gaar ahaan doorashooyinka Somaliland iyo u diyaargarowga doorashada golaha deegaanka in Qaran ahaan iyo Urur ahaan u diyaargarowno. Waxaan u mahadnaqayaa dhammaan shacbigii jaaliyadaha Somaliland ee dalka Ingiriiska iyo dalka Kiiniya ee sida wanaagsan noo soo dhaweeyey, waxa kale oo aan u mahadnaqayaa dhamaan shacbiga reer Berbera oo iyaguna si fiican noo soo dhaweeyey.”

Guddoomiyaha golaha wakiilada waxa madaarka Berbera ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan ururka WADDANI taageerayaasha ururka Waddani oo ka kala yimi magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *