Search

Hogaanka Xisbiga KULMIYE Oo La Sheegay In Ay Qorshaynayaan Qaabkii Ay Tallaabo Adag Uga Qaadi Lahaayeen Waabeeye Iyo Talyanle

Ma Dhabbaa In Guddoomiye Muuse Iyo Maxamed Kaahin Kulan Ashkato Ah La Qaateen M/Siilaanyo + Qaabkee Ku Hakin Karaan Dhaqdhaqaaqa Isbahaysiga Ee Gobolada?

Hargeysa (Foore)- Iyada oo wafti ka tirsan Is-bahaysiga Dimuquraadiga Xisbiga KULMIYE safar ku marayaan gobolada Bariga ayay soo baxayaan warar sheegaya in Hogaanka xisbiga KULMIYE ku hawlan yihiin fal-celintii rasmiga ahayd ee ay ka gaysan lahaayeen safarkaasi siyaasadeed oo cadho weyn ku abuuray hogaanka xisbiga KULMIYE gaar ahaan Guddoomiyaha iyo Guddiimiye ku xigeenka koowaad oo la sheegay in ay qorshaynayaan tallaabadii ku habboonayd ee ay ka qaadi lahaayeen xubnahaasi oo uu ka mid yahay Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Xildhibaan Waabeeye.
Safarka dhoolla-tuska ah ee siyaasadeed ee kooxda Isbahaysigu ku tageen Gobolka Togdheer ayaa soo kiciyay dareenka cadhada leh ee ay Hogaanka xisbiga KULMIYE ka qabaan dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee kooxdaasi oo wali si cad u sheegaya in ay ka mid yihiin xisbiga KULMIYE.
Xogo wargeyska Foore ka helay ilo u dhuun-daloola hogaanka xisbiga KULMIYE ee uu hogaamiyo Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in ay arrinka kooxdaasi ku wargeliyeen Madaxweyne Siilaanyo iyaga oo codsaday in tallaabo laga qaadi kulan wada tashi ahna ay hogaanka KULMIYE gaar uga yeesheen tallaabadii ay ka qaadi lahaayeen iyaga oo doonaya in ay si gaar ah u bartilmaameedsadaan Guddoomiye ku xigeenka labaad iyo saddexaad Xildhibaan Waabeeye iyo Xildhibaan Talyanle oo ka mid ah garabka isbahaysiga.
Ilagan xog-ogaalka ahi waxa ay Foore u xaqiijiyeen in Hogaanka iyo Musharaxiinta dhawaan lagu doortay shirkii KULMIYE ay dacwad culus oo ka dhan ah Xubnaha ka tirsan Garabka Isbahaysiga Kulmiye ee Burco jooga U Gudbiyeen Madaxtooyada Somaliland kadib markii ay aad uga Xumaadeen dhaq dhaqaaqyada iyo abaabulka Siyaasadeed ee ay Xubnahaasi ka wadaan Gobolada Bariga Somaliland, kadib soo dhawayntii Balaadhnayd ee ay u sameeyeen Xubnahaasi Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE ee Magaalada Burco.
Warkani waxa kale oo uu tibaaxayaa in Hogaanka Xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi Iyo Ku Xigeenkiisa Maxamed Kaahin Axmed ay laba cisho ka hor Madaxtooyada u Gudbiyeen Dacwad ay kaga ashkatoonayaan Garabka isbadel Doonka Dimuqraadiga ah ee Kulmiye oo hore u qaaddacay Doorashadii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxa ay si gaar ah uga dacwoodeen ku xigeenada labaad iyo Saddexaad oo Muuse iyo Maxamed Kaahin ku doodayaan in si degdeg ah loogu qaado tallaabo anshax marin ah oo aan la garan Karin nooca ay noqon doonto iyaga oo Guddoomiye Muuse Biixi iyo ku xigeenkiisa koowaad Maxamed Kaahin ku doodaya in ay wadaan qorshe kala jabin ah oo ay xisbiga ku waxyeelaynayaan.
Guddoomiye Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin ayaa la sheegay in ay qorshahaasi xataa ula tageen Madaxweyne Siilaanyo oo ah odayga xisbiga si uu talo uga gaysto iyaga oo ku doodaya in garabkan maqani sida uu wax u wadaa aanay u dan ahayn hanaanka Cusub ee Xisbiga Kulmiye loo yagleelay islamarkaana ay kala jabinayaan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye,waxa kale oo ay Madaxweynaha u sheegeen inaanay Xubnahani sheegan Karin Kulmiye tallaabana laga qaado wakhtiga ugu habboon.
Sidoo kale waxa isaguna dhinaciisa dadaal uu hawshaasi ay dalbadeen Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin ku hirgalinayo ka wada Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, waxa uu dhinaciisa olole ugu jiraa sidii ay Xukuumaddu u hakin lahayd dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee ay Gobolada Bariga Somaliland ka wadaan Waftiga isbahaysiga Kulmiye ka tirsani ee uu hogaaminayo Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, kaasi oo la filayo marka ay ka soo laabtaan gobolada bari in ay u gudbi doonaan dhinaca Gobolada Galbeedka.
Illaa imika ma cadda tallaabada hogaanka KULMIYE ka qaadan doono garabka isbahaysiga siyaasadeed ee ay deeradu dhex miranayso kuwaasi oo u muuqdo kuwo sii laban laabaya ololaha ay ugu jiraan sidii ay bulshada taageero uga heli lahaayeen diidmadoodii natiijada shirka KULMIYE. Waftiga Isbahaysiga ee uu hogaaminayo Md. Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa intii ay joogeen Magaalada Burco waxa ay kulamo la qaateen Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Magaalada BURCO iyo Waliba taageerayaashooda, Waxaanay wararku sheegayaan inay Gobolka Togdheer u sii dhaafayaan Deegaamada iyo Gobolada Bariga oo ay kulamo la soo qaadanayaan Taageerayaashooda. Dhaqdhaqaaqaasi oo noqday kan dareenka weyn ku abuuray Garabka Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *