Search

Hogaanka Dhaqan Ee Beel Weynta AKISHO Oo Soo Saartay Musharraxa Beesha Ee G. Wakiilada

Bayaan Ka Soo Baxay Odayaasha Iyo Waxgaradka Beel-weynta AKISHO

Hargeysa (Foore)- Hogaanka iyo weliba Madaxda-dhaqan ee Beel weynta AKISHO ayaa sheegay inay dib usixid ku sameeyeen War-murtiyeed ay dhawaan soo saareen oo Sheegayay murashaxa beeshaasi u tartamaya Doorashada golaha wakiiladda Ee Soo Socota, warkaasi oo si hufan oo sixid ah u soo saareen shalay kaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Madaxa Bannaan ee FOORE.
Warsaxafadeed ay ku saxeexan yihiin Xubno kamid ah Hogaanka beeshaasi iyo Madax-dhaqameed kooda oo hoos ku xusan ayaa lagu cadeeyay in murashaxa keliya ee Beeshaasi gude iyo dibadba ay isku raacday uu yahay Cabdirashiid Cabdi Cige (SHUURO) kaasi oo u tartmi doona Doorashada Golaha wakiiladda ee soo socota.
”Beeshi waxay dib usixid ku samaynaysay war hore ugu soo baxay qaar kamid ah warbaahinta kasoo si khaldan loogu sheegay cidda Murashaxnimadda beeshaasi u metelaysa Doorashadda soo socota ee golaha wakiiladda Somaliland waxanu Cod dheer ku sheegayna in murashaxa keliya ee beesha Doorashadaasi uga qayb gelaya dal iyo dibadba aanu isku raacnay uu yahay Xildhibaan Abrashiid Abid Cigge (SHUURO) Ma jirto cid kale oo la barbar eriyi karaa.” ayaa lagu yidhi warsaxafadeedka Beeshaasi oo ay ku saxeexnayeen Xubnahani.
Hogaanka Beesha AKISHO
1. Xildhibaan Sh.Omer Sh.Ahemd Fureh
2. Xildhibaan Mahdi Mohamed Haashi
3. Agaasime Mohamed Sh. Omer Hasan
4. Caaqil Xuseen Mohamud Warfaa (Xuseen Dheere)
5. Cheif Caaqil Maxamed Ibraahim (Qorane)
6. Caaqil Mohamud Aadan Abdullahi (Ina Fariid)
7. Caaqil Mohamud Osman Ducaale (Tutabene)
8. Caaqil Ahmed Sh. Omar Hassan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *