BREAKING NEWS
Search

Muxuu Hogaamiye Xirsi Ka Yidhi Eedaymihii Wasiir Caddaani, Xilalka Saaxadda Cusub Ee Uu Qabto, Awoodda Mustaqbalka Siyaasadeed Ee Deegaamadiisa Uu Ku Leeyahay Iyo Arrimo Kale?!!

Hargeysa (Foore):- Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Muddane Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa waxaa uu ka jawaabey Eedeymo uga yimid wasiirka warfaafinta Somaliland Muddane Cismaan Saxardiid Cadaani.
Hogaamiye Xirsi ayaa waxaa uu sheegay in aanu isagu sheegan wadada Ceerigaabo balse uu yahay shaqsigii uu madaxweynuhu u igmadey ee isagu fuliyey hadii uu muran galiyeyna ay bulshada iskula tagi doonan waxii Ceerigaabo ka soo raacana uu arki doono waxaana uu yidhi

” Cadaani waa wasiirka warfaafinta ee wax uu ku faano ha sameeyo , wasiir waliba wasaaradu joogo wax uu ku faano ha fuliyo , Madaxweynuhu Libteeda ayuu Leeyahay wasiirkii fuliyeyna libteeda wuu la leeyahay .

Aniga oo madaxweynaha aan ka dafireen in uu himaladan lahaa aniguna kii fuliyey ayaan ahaa , hadii uu dafiro Cadaani bulshada ayaanu iskula tagi doonaa oo waa waxa ceerigaabo ka soo raaca ” ayuu yidhi hogaamiyaha xisbiga Waddani Muddane Xirsi Cali Xaaji Xassan.
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *