BREAKING NEWS
Search

Hogaamiyaha Kooxda Sheegata Awdal State Oo Wasiiro Xukuumadda Shariif Muqdisho Kula Kulamay Sheegayna In Ay Dagaal Ka Dhan Ah Somaliland Qaadi Doonaan

Muqdisho: (Foore)- Ninka sheegta in uu yahay guddoomiyaha Kooxda dibad wareega ah ee Awdal State  Rashiid Aw nuur Xirsi ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay wasiiro ka tirsan xukuumadda taagta daran ee Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Villa Soomaaliya Magaalada Muqdisho. Isaga oo sheegay in uu todobaadkan kulan kale la yeelan doono madaxweynaha xukuumadaasi Sh. Shariif Sh. Axmed.

Wafdi uu hogaaminayey ninkan sheegta maamulka Awdal State Rashiid Aw nuur Xirsi oo dhawaan gaadhay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay kulamo la yeesheen isaga iyo xubno la socdaa qaar ka mid ah Golaha wasiirada Muqdisho, iyagoo sheegay in ay rajaynayaan in ay kulan kale u ballansan yihiin Madaxweynaha dawladda Villa Soomaaliya.

Rashiid Aw Nuur Xirsi oo Muqdisho shalay kula kulmay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in aanay kooxdiisu marna aqbali doonin in Calan aan ahayn midka Soomaaliya laga taago sida uu hadalka u dhigay gobolka Awdal, Inkasta oo buu yidhi aanay gacanta ku hayn gobolka Awdal hadana ay dadkooda wacyi gelin doonaan si aanay u go’aansan midnimo Soomaaliyeed.

Rashiid Aw Nuur Xirsi waxa uu xusay in aanay marnaba iyagu dhibaato ka gaysan doonin gobolkaasi balse waxa uu sheegay in haddii Somaliland sii wado go’aankeeda ay ku goosanayso ay gobolkooda dagaal kala hortagi doonaan.

Ilaa imika ma jiraan war rasmi ah oo xukuumadda shariif ka soo saartay abaabulka ka dhanka ah Somaliland ee ay muddooyinkan ku hawlan tahay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *