BREAKING NEWS
Search

Hirdanka Xukuumadda Iyo Mucaaridka Ee Shaqsiga Bedalaya Guddoomiye Cirro Oo Dibadda U Soo Baxay Iyo Doorka Is-bahaysiga KULMIYE

Labada Nin Ee Illaa Hadda Koox Kastaa Dabada Ka Riixayso Is Casilaadda Guddoomiye Cirro Kadib Iyo Saamaynta Garabka Isbahaysigii KULMIYE Ku Leeyihiin Arintan Cusub

Hargeysa (Foore) – Xukuumadda iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo uu badhi-taarayo garabkii is-bahaysiga KULMIYE ee shirka qaaddacay ayaa labadii cisho ee u dambeeyay ku hirdamaya shaqsiga uu mid waliba dhinaciisa u arko inuu dantiisa siyaasadeed u adeegi doono ee badelaya Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro kadib markii ay soo shaac baxday inuu iskii kursigaasi iskaga casilayo si uu ugu madax bannaanaado ololaha uu ugu jiro kursiga dalka looga arimiyo ee Madaxtooyada, isla markaana ku helo gaashaan-buur siyaasadeed oo ku garab joogsata in ay Gobolada Bari ku dhaafsadaan taageero wakhtiga doorashada.
Warar Xalay wargeyska Foore soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyay jiritaanka dhaqaaqyo xoogan oo Xukuumadda iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ka wadaan Xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland, kaasi oo uu mid waliba dhinaciisa ku xaqiijinayo helista kalsoonida Golaha Wakiilada,si ay ugu suurtagasho in shaqsida ay doonayaan ugu guulaysto kursiga Gudoomiyaha Golaha wakiilada oo la sheegay inuu dhawaan iska casilayo Gudoomiye Cirro. Wararkan ayaa intaa ku daray in Xalay illaa habeen hore ay Xukuumaddu hawl galisay kooxo mukhalasiin ah oo isaga dab qaadayay Xukuumada iyo Xildhibaanada Golaha wakiilada kuwaasi oo gooni gooni faq ula yeelanayay Xildhibaanada, islamarkaana qaar ka mid ah Xildhibaanada si gaar gaar ah u gaynayay Qasriga Madaxtooyada iyada oo xukuumaddu ka hor tagaysa dadaalo hor leh oo ay bilaabeen WADDANI iyo isbahaysiga KULMIYE oo aad mooddo in ay qaddiyaddan midaysay si ay xukuumadda ugu furaan Jiho mucaaradnimo oo ay ku kasbadaan gobolada Bari ee dalka.
Sida la noo xaqiijiyay Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland,Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa isaga iyo xisbigiisu waxay ciyaarayaan siyaasad u sad burinaysa Xisbigiisa oo uu taageero kaga heli karo Gobolada Bariga Somaliland oo hore Xisbiga KULMIYE u baal maray, kaasi oo uu ku doonayo inuu kursigan ku gacan siiyo kuna wareejiyo Gudoomiye xigeenkiisii Baashe Maxamed Faarax oo ay mudo dheer soo wada shaqaynayeen, islamarkaana duruufo badan ay kasoo wada gudbeen. Baashe Maxamed Faarax waxa uu ka soo jeedaa Gobolka Sool oo si weyn saluug uga qaba Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kadib doorashadii KULMIYE iyo guud ahaan saami qaybsiga dalka. Sidoo kale waxa ay Xukuumaddu dabada ka riixaysaa oo ay doonaysaa inay kursiga uu Cirro iska casilayo ku fadhiisiso Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo isna isla deegaankaasi ka soo jeeda kana tirsan Xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland.
Dhinaca kale, Isbahaysiga Murashaxiintii qaadacay Shirweynihii Golaha Dhexe ee Kulmiye iyo Wasiiraddii Iska casilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa door weyn ku leh islamarkaana gacanta kula jira dhaq dhaqaaqa Xukuumadda iyo Xisbiga Muraacidka ah ee WADDANI ka wadaan Golaha Wakiiladda, waxaanay garabsiinayaan in Kursigaasi uu ku guulaysto Guddoomiye ku xigeenka Golaha Md. Baashe Maxamed Faarax oo ay isku aragti ka ahaayeen Shirweynihii Xisbiga Kulmiye ee ay dhawaan garabkani qaaddaceen.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *