Search

Hindiya Oo Haween U Adeegsanaysa Kaxaynta Diyaaradaha Dagaalka Noocyadooda Ugu Dambeeyey

Dawladda Wadanka Hindiya ayaa go’aan kama dambays ah ku qaadatay in ay Haweenka dalkaasi ka qayb gali karaan duulimaadyada Milatariga iyada oo toddobaadkan lagu dhawaaqay in ay Haweenku laga bilaabo sannadka 2017 ay ka mid noqon karaan Duuliyayaasha Diyaaradaha Dagaalka noocyadooda kala duwan sida Miigga Casriga ah iyo Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopter-ta. Sidan waxa lagu sheegay Qaraar Rasmi ah oo toddobaadkan ka soo baxay Madaxtooyada looga arrimiyo wadankaasi iyada oo ay si wada jir ah ugu dhawaaqeen Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Hindiya iyo Ra’iisal Wasaaraha dalkaasi iyaga oo ujeedada go’aankan ku macneeyey dhiirri gelin iyo awoodayn loo samaynayo dadaalka Haweenka dalka Hindiya oo aan gabi ahaanba hore uga qayb qaadan jirin arrimaha Ciidamada iyo hawl-gallada Milatariga.
Qaraarkan xukuumiga ah oo la shaaciyey galabnimadii Axaddii waxa lagu yidhi sidan: “Wasaaradda Difaaca Wadanka Hindiya waxa ay go’aansatay in ay si rasmi ah u hawl galiso Haween Duuliyayaal ah (Pilots) kuwaasi oo si rasmi ah uga hawl gali doona ciidamada Cirka ee dalka Hindiya, gaar ahaan ciidamadaasi Haweenka ahi waxa ay safka hore ka gali doonaan duuliyayaasha ku hawl gali doona Diyaaradaha dagaalka Noocyadooda ugu dambeeyey ee dalkaasi soo iibsaday iyo waliba diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dagaalka iyo kuwa ciidanka guraba.
Warbixinta laga soo saaray go’aankan oo saxaafadda loo qaybiyey waxa uu u dhignaa sidan: “Go’aankani waxa uu fursad siin doonaa hablaha reer Hindiya ee bartay cilmiga duulimaadka oo sannadihii ugu dambeeyey sii kordhayay balse aan rasmi ahaan uga mid ahayn ciidamada cirka. Go’aankani waxa uu sharciyeynayaa ama ogolaanayaa in Haweenka Reer Hindiya ay haatan wixii ka dambeeya kaxayn doonaan diyaaradaha dagaalka noocyadooda kala duwan arrinkaasi oo sharaf weyn u ah qaranka Hindiya guud ahaan”. Dhinaca kale wasiirka Gaashaan-dhigga waddanka Hindiya Manohar Parrikar oo arrinkan ka hadlayay waxa uu yidhi: “Haweenku inta badan kama ay mid ahaan jirin dalkayaga ciidamada Cirka. Marka laga reebo hablo farsamo yaqaanno ah oo dhinaca xafiisyada ah, haweenka Hindiya hadda ka hor looma ogolayn in ay ka mid noqdaan ciidamada Cirka ee diyaaradaha dagaalka kaxeeya. Muddooyinkii ugu dambeeyey waxa la diiwaan geliyey haween aad u badan oo tababarro qaadanaya waxaanay rasmi ahaan haweenku diyaaradaha dagaalka kaxayn doonaan 2017”.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *