BREAKING NEWS
Search

Heshiiskii kooxda wasiirada ahi u tageen Dubai ee shirkada DP World Oo Fashilmay, Wasiiraddii Madaxtooyada Iyo Maareeyahii Dekedda Berbera Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay.

Dubai (foorenews)– Wada-hadalo muddo ku dhaw sannad usoo socday shariikadda maamusha dekedda Dubai ee loo yaqaano DP World kaasi oo ku saabsana maalgelinta dekedda magaalada Berbera ayaa burburay ka dib markii ay shariikaddda DP World joojisay wada-hadaladaasi oo ay sheegeen inaanay sii wadi karin.
Sida warar xogogaal ah oo shabakadda caalamiga ah ee foorenews ka hellayso wada-hadaladani ayaa fashilmay ka dib markii shariikadda DP World ay sheegtay inay heshay xog ku saabsan inaanay dawladda Somaliland ixtiraamin heshiisyada caalamiga ah iyagoo u sheegay wefdiga inay dib uga fiirsanayaan inay hanti geliyaan dekedda Berbera.
Sida xogta aanu ku helnay dawladda Emirateka saraakiil ka tirsan ayaa isku dayey inay dhex dhexaadin ka gallaan sidii wada-hadalada Somaliland iyo shariikadda DP World la iskugu soo dhawayn lahaa taasi oo la sheegay in shariikadda DP World ay dhinacooda ku andacoonayaan in shariikaddo waaweyn oo hore Somaliland heshiisyo ula gallay ay warbixin ka siiyeen inaanay Somaliland ixtiraamin heshiisyadaasi taasi oo loo malaynayo in Shariikadda batroolka ee TOTAL oo hore heshiis ugula jirtay Somaliland ay xog dardaar warin ah u dirtay shariikadda DP WORLD ay uga digayso inay ka foojignaato heshiiskaasi.
Wada-hadaladda oo muddo dheer soo socday ayaa u muuqda hadda in ay shariikada DP World dib uga istaagtay heshiiskaasi ay la geli lahayd Somaliland iyadoo lacagtii ay ugu tallo-gashay maal-gelinta dekedda Berbera u wareejisay dhinaca iyo deked ku taalla dalka India oo la yidhaahdo Chennia Port.
Arrintani ayaa timid ka dib markii shalay ay ka soo ambabaxeen magaalada Dubai wefdigii dhinaca Somaliland oo uu hogaaminayo wasiirka madaxtooyada iyo maareeyaha dekedda Berbera halka wasiirka arrimaha dibadda la filayo inuu socdaal ku tago dalka maraykanka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *