BREAKING NEWS
Search

Heshiiska Berbera Iyo Halisaha Kugedaaman– Qalinka: Cabdinaasir Ibraahim Ismaaciil (Saacadaale)–Bare Jaamacadeed Iyo Cilmi Baadhe Sare

Ma aha arrin sahlan in si fudud loo deedifeeyo amaba loo taageero heshiis sidan u kakan oo saamayn dhaqan, dhaqaale, amni iyo mid siyaasadeedba yeelan kara. Heshiis si dhaw haddii loo eego hannaanka loo maray ay ka muuqato ka faa’iidaysi la’aanta dadka (madaxda) reer Soomaliland ee dhanka taariikhda, loolanka siyaasadeed iyo ka dhaqaale ee adduunku soo maray iyo kuwa ka taagan xilliganba. Dad badan waxa u muuqata in aan Berberi qiimaheedii bixin, halka qaar kalana ku doodayaanba in Somaliland sollo gashay iyo sursuur aanay ka bixi Karin. Dhanka kalena waa heshiis dad ka qaar u arkaan khamaar wakhtigiisii jooga!
Si kastaba ha ahaatee, waa heshiis weji kan ka duwan, kana halis yar yeelan lahaa hadii faham buuxa laga qabi lahaa ama jawaabo shaafi ah loo heli lahaa arrimo ay ka mid tahay ahmiyadda Badda Cas, ujeeddada saldhiga ciidan ee Imaaraadka ka dambaysa, iyo halista iyo faaiidada saamiga Itoobiya ku yeelatay dekadda Berbera. Maqaalkan waxaan si kooban ugu eegaynaa: Badda Cas iyo isbedellada kasocda, maalgashiga Imaaraadka iyo saldhiga ciidamada, iyo istaraatijiyadda dabada kariixaysa doonista Itoobiya ee dekeddan.
Badda cas iyo isbedelada ka socda
Ahmiyadda Badda casi waa mid aan la yaraysan karin. Waa halka barkulanka u ah haatan ganacsiga adduunka, siyaasadaha tabarta iyo shidaalka, xagjirnimada, khayraadka dabiiciga ah, iyo danaha siyaasadaha dhuleed ee dunidu ku loo lamayso xilligan.
Waxa jooga dalalkii reer galbeedka oo u muuqda in saamayntoodii gobolka iyo Badda casiba sii gabaabsiyayaan iyada oo ay badanaaba isku koobeen hawlaha dhinaca amniga iyo argagixiso ladagaalanka; halka Shiinaha saamayntiisu sii kordhayso, Ruushankiina ay raadinayaan meel ay ka soo galaan. Marka laga tago heshiisyada baarista macnadaha ee uu shiinuhu galay, waxa uu shiinuhu dhamaystiray mashaariic waaweeyn oo kaabayaasha dhaqaalaha la xiriirta meela badan oo gobolka iyo qaaradaba ka tirsan sida dhuumo shidaalka qaada, jidad tareen, dekado iwm. Shirkadaha Shiinaha ee Afrika kashaqeeya waxaa lagu qiyaasaa in kabadan 10,000 oo shirkadood, halkan maalgelinta uu Shiinuhu qorshayaynayaana gaadhayso 60 bilyan oo dollar.
Haddaba su’aasha meesha taallaa waxa ay noqonaysaa – Sidee ayay Soomaalilaand uga faa’iidaysan kartaa ama ula jaanqaadi kartaa isbedelladaas istaraatijiga ah ee kasocda gacanka Badda Cas?
Arinta lama huraanka ahi waa in Soomaliland dib u qaabayso xiidhadhada istaraatijiga ah ee ay la yeelanayso dhinacyada loolanku ka dhexeeyo ee kaladuwan, iyada oo xoogga la saarayo sidii xidhiidhadaa looga dhigi lahaa qaar ku dhisan dano la wadaago, isuna miisaaman. Taas oo ah in Soomaaliland aanay noqon mid marwalba leh gacanta hoose oo ku qanacda wixii yar ee loo tuuro, isla markaana buunbuunisa waxaa yar ee faroguudkood ah si ay dabool usaarto dulduleelada kamuuqda, kalana dooran kari weeyda fursadaha horyaalla, halka dhanacyada kale noqonayaan kuwo ay u caddahay danahoodu – si dhammaystiranna ay ugu fusho.
Marka laga yimaaddo reer galbeedka iyo Shiinaha, waxaa iyana jira dalal dhaqaale ahaan koboc badan samaynaya oo ay hormood u yihiin Hindiya, Koonfur Afrika, Brazil, iyo Turkiga; isla markaana saamayn badan dunida haatan ku leh. sidaa marka ay tahay, marka la fiiriyo siyaasaddeena arrimaha dibadda waa in aynaan qiblo kaliya yeelan ee aynu eegno waxyaalaha suuragalka ah oo dhan isla markaana aynu mararka qaar xidhiidh la wada samayn karno cido danohoodu iska hor imanayaan si ay u sahasho gorgortanka danteenana aan ku gaari karno. Maxaa diidaya in aynu Hindiiya iyo Shiinaha xidhiidh la wada samayno ama Ruushka oo aynu xidhiidh muddo badan lahayn ka fakaro qaab aan u wada shaqayn karno? Maxaa diidaya in aan maalgashi uga raadino dalka Qadar beeraheenna oo aynu dhul weeyn oo ay wax ka beertaan siinno inaga oo Imaaraadkana dekadda siinay?
Maalgashiga Imaaraadka iyo saldhiga ciidamada
Imaaraadku waa dal raadinayaa in uu yeesho saamayn ka badan inta ay saamaxayso dal ahaan, dhaqan ahaan, fikir ahaan iyo weliba inta uu leegyahay dad ahaan iyo ciidan ahaanba. Tusaale ahaan, runtii su’aalo badan oo aan weli laga wada jawaabin ayaa ku jira sida dal tirada muwaadiniintiisu ka yartahay 1.5million, tirada ciidankiisu ka yaryihiin 100,000 oo askari, dhaqaalaha uu sanadkii ciidankiisa galiyaana ka yartahay 2% (dhaqaalaha dalka), uu hadana saldhigyo ugu leeyahay ama uga rabo Yamen, Soomaaliland, Eritrea, Liibiya iyo meelo kale oo badan. Muxuu ku falayaa saldhigyadan badan, maxaase dal ahaan faa’iido ugu jirta iyaga? Mase joogtayn karayaa? Runtii ma aha Imaaraadku dal u baahan in uu cudud ciidan ku ilaaliyo danaha dhaqaale ee kooban ee uu leeyahay, danihiisa dhaqaale laftooduna ma aha qaar sidaa u buuran lana joogtayn karayo mudada dhexe iyo ta fog toona sababo badan awgood. Dad badan oo siyaasadda aqoon u leh ayaa aaminsan in isbalaadhinta Imaaraadka ee dhinaca ciidamada ee iminka socota la odhan karo waa mid ku salaysan laab lakac, xifaaltan aan aragti dheer ku dhisnayn oo kala dhaxaysa hogaamiyeyaasha khaliijka ee ay kala aragtiyaha duwan yihiin (sida Qadar).
Dhanka kale, waxa muhiim ah in aan iyana is weeydiino sababta Imaaraadku ugu baahday in uu saldhig ciidan ka agdhiso Berbera oo uu gelinayo keliya 400 milyan oo dollar halka aanu wax heshiis ciidan ah la gelin Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo, oo xaaladeeda amni aynu kawada dheregsan nahay, oo uu dekad ugu maalgeliyay lacag ka badan 1.2bilyan dollar?. Marka arrintan aad hoos loogu sii dhugto waxa muuqanaysa in saldhigan ujeedadiisu dhaafsantahay dagaalka xilligan ka aloosan dalka Yemen, xifaaltanka Khaliijiyiinta dhexdooda ah iyo ilaalinta hantida kooban ee imaaraadku gelinayo dekedan labadaba.
Marka ay sidaa tahay, su’aasha muhiimka noqonaysaa waxa ay tahay, Imaaraadku yuu u ilaalinayaa marin biyoodkan albaab-dambeedka muhiimka ah u ah Israel iyo Masar, iskuna xidha Aasiya, Afrika iyo Yurub yaase laga ilaalinayaa?
Si kasta oo xaal yahay, waxa cad in Imaaraadku marka la eego xidhiidhadaa iyo saaxibadaa waaweeyn ee ay hadda awrtu isugu xidhan tahay ay saamayn badan ku leeyihiin golayaasha siyaasadda dunida laga hago, waxaase aan ilaa hadda muuqan seddexdaa sanno ee hawshaa Imaaraadka lagu jiray, ee siyaasiyiinteennu buunbuuninayeen, wax dan siyaasadeed ah ama xidhiidho cusub oo ay soo kordhisay oo qofka muwaadinka ah u muujinaya in in uun wax u soo kordheen Somaliland.
Taa waxa sii dheer waliba in haatan aan Itoobiya oo dalka 43aad ee dunida ugu xoogga weeyn isla markaana ah ka 3aad ee Afrika ugu xoogbadan ujeedooyin iyo damac fogna ka leh dhulka Soomalidu degto iyo Badda Casba aan iyana hoosta u soo gashanay si hubsiino la’aan ah
Danaha Itoobiya
Isbedal dhanka hogaanka ah ayaa ka dhacay Ethiopia, waxase mudan in lafmo ayaa ah ‘in aanay inta badan is bedelin siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya’. Laga soo bilaabo boqorkii Tewodros oo ahaa boqorkii u horeeyey ee dejiyay siyaasadda dalkiisa (Itoobiya) ee ku waajahnayd gobol weeynaha Geeska Afrika, iyo dhammaan boqoradii kadambeeyey oo ay ku jiraan Boqor Yohannis IV, Menelik II ilaa laga soo gaaro Boqor Xayle Salaase iyo hannaanka siyaasadeed ee jira ee uu horseedka ka ahaa Milase Sanaawi, siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya waxa udub dhexaad u ah Amni, dhul ballaarsi iyo helidda marin badeed.
Tusaale ahaan, boqor Xayle Salaase kulankii uu Masar kula kulaqaatay Madaxweeynihii Maraykanka ee Franklin Roosevelt sanaddii 1945, waxa uu u soo bandhigay sida ay Itoobiya lagama maarmaanka ugu tahay helidda marin badeed ay u madaxbannaantahay. Waxaana loo rumeeyey riyaadaasi shan sanno kadib markii 1950kii la ogolaaday in Eritrea lagu daro Itoobiya iyada oo Maraykankuna gacan weeyn ka geeystay arrintaas. Dedaalkaasina waxa uu rumeeyay doonistii marin badeed oo Itoobiya yeelato.
Siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya ee damaca dhuleed kudhisan tusaalahan oo qudha lagama dheehan karo hase ahaatee waxaa si fudud looga arki karaa heshiishadii ay Itoobiya la gashay French Somaliland March 1897, British Somaliland bishii June 1897, Italian Eritrea 1900, Anglo Egyptian Sudan sanaddii 1902, British East Africa sanaddii 1907, iyo weliba Italian Somaliland sanadkii 1908. Iyada oo heshiishyo kale oo gumaystihii Ingiriiska ay la geshayna ku qaadatay dhul Soomaaliland lahayd oo ingiriisku u gacan galiyay (Hawd iyo reserve area).
Si kastaba ha ahaatee, waxa markale mushkiladdii Bad la’aanta ee Itoobiyaa dib u soo cusboonaatay markii Ereteriya xorriyaddeedii la soo noqotay. Laga soo bilaabo kalaguurkaas bad la’aanta dhigay, waxa ay Itoobiya aad isugu hawshay sidii ay saami uga heli lahayd dekedda Djibouti oo ay wax ku yeelato. Si toos ah iyo si dadbanba Itoobiya waxa ay isugu dayday in ay lacag gashato horumarinta dekada Djibouti sidaasna ay qayb kaga noqoto mulkiyadda marin badeed kaas Badda Cas. Isku dayadaas oo dhamina waxa ay noqdeen kuwa aan midho dhalin, waxaana u quus gooyay Madaxweeyne Ismail Cumar Geelle oo u muuqda in uu arkayay halista ka iman karta damaca Itoobiya mudada fog.
Waxaa jidkaas Madaxweeyne Geelle mid ka duwan qaaday – madaxweeynayaashii u dambeeyay ee Soomaaliland. Waxa ay si fudud oo aan kafiirsasho lahayn u suura geliyeen damicii istaraatijiga ahaa ee Itoobiya iyaga oo si shuruud la’aan ah ugu gacan geliyay baddeennii – iyaga haka noqoto hubsiimo la’aan ama aqoon la’aan tii ay doontaba. Waana arrin halisteeda leh. Haddii Ingiriiskii Xayle Salaase siiyay dhul Soomaliland lahayd oo la oran jiray hawd iyo riseef area, waxa todobaatan sanno kadib dhacday in badii Itoobiya ay u baahnayd aan gacanteenna ugu saxeexnay oo aan siinay, inaga oo aan dhaafsan wax lasheegi karo.
Gebogabo
Korodhka dhaqaalaha iyo danahan isdiidan ee dalalka leh awoodaha ciidan iyo kuwa dhaqaale ayaa mar walba sii kordhinaya muhiimadda marinkan Badda Cas – taas oo bogcad istaraatiji ah ka dhigaysa Dekedda Berbera. Haddaba waxaa lagama maarmaan ah in Soomaaliland siyaasaddeeda arrimaha dibadda ay si balaadhan dib-ugu-eegto, cidkasta oo dan ka yeelatana ay u diyaargarowdo inay iyana danaheeda dhaqaale iyo siyaasadeed si buuxda uga fushato, isla markaana ay ka foojignaato heshiisyada dhagaraha xambaarsan. Sidoo kale, waa in heshiisyada lagelayaa noqdaan kuwo daah-furan oo danta dadka iyo dalku ka muuqdaan. Soomaaliland waxa ay baahi weeyn u qabtaa maalgashiga Imaaraadka, kan Qadar, Ruushka, reer galbeedka iyo Shiinahababa yo kuwa kale. Isdiiditaankooda iyo heshiis ahaanshahooduna ma ah mid u taalla Soomaaliland, mana aha inaynu noqonno dad dalgaar ah ama xulufo u xidhan.
Qore: Abdinasir Ibraahim Saacadaale: Bare Jaamacadeed iyo Cilmi baadhe ka tirsan Macadka Daraasaadka Siyaasadda iyo Arrimaha bulshada ee “HIPPSOR”
Email: abdinasir.ibrahim@hippsor.org AMA saaco6@hotmail.com
Tel. 4017979




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *