Search

Gudoomiye Mubaarik Ahmed Yare Awood Iyo Xaq Toona Uma Laha Xil Uu Magacaabay Gudoomiye Eng Faysal Carli Waraabe Inuu Xilka Ka Qaado

Waxa dhawaan warbaahinta soo gashay waraaq aan waafaq sanayn sharciga iyo hanaanka xisbiga UCID waraaqdaasoo ahayd mid degdeg ku jiro kana madhan maaraynta iyo maamulka xisbi leeyay .
waxa ay waraaqdu qeexaysay ama tilmaamaysay xil ka qaadis uu xilka iga qaaday lkn taasi awood uma lahaynm loomana igman xaqna uma lahayn , aniga waxa i magacaabay gudomiyaha xisbiga UCID mudane Eng Faysal cali Waraabe oo ah runtii gudoomiye xilka uu qaranka u hayo u bisil isagoo aqoon u leh maamulka iyo qaab dhismeedka xisbi isaga uunbaana iga qaadi kara .
hadaba markii ay soo gashay hawada waraaqdaasi waxay gudida musdanbeedka ee xisbigu qaaday talaabo ay kaga jawaabayaan warqadaas iyagoo eegaya nidaamka xisbiga iyo hawlaha xisbiga ee haatan u baahan inay si habsami ah u socdaan waxaanu gudoomiyaha xisbiga UCID ee UK mudane Maxamed Jamac Ismail shine (shine koodbuur) qoray warbaahintana u gudbiyay jawaaba hufan oo tilmaamaysa hanaanka xisbiga waxa kale oo ilasoo xidhiidhay xoghayaha siyaasada Mr abokor iyo madaxa xidhiidhka gobolada iyo degmooyinka ee xisbiga UCID mudane Mr Rashiid waxaanay ii sheegeen inaan hawlaha xisbiga wado sidii horeba aan masuulka uga ahaa iyagoo ka helaaya amarka gudoomiyaha xisbiga mudane eng Faysal Cali Waraabe waana ku mahadsanyiin sidii degdega ahayd ee ay uga jawaabeen waraaqdaas hawada soo gashay iyo sidii degdega ahayd ee ay iilasoo xidhidheen run ahaanti oo ahayd mid ay ka muuqatay sida xilkasnimada ah ee ay u gudanayaan una danaynayaan habsami socodka hawlaha xisbiga iyo lexjeclada ay ka leeyiin xisbiga ay masuuliyiinta ka yihiin wana ku mahadsanyiin sidaa quruxda badan ee ay iila soo xidhiidheen .
waxa nasiib daro ah in gudoomiyaha xisbiga ucid ee gobolka wales isagoo aan cidna ku wargalin xilka qaadista inuu goaan kelidii iska gaadhay waayo wax wada tashiya ma yeelan cabasho aniga iimasoo gudbin wax u diidanyayna iima sheegin isagana waxa loo igmaday inuu xisbiga dhiso isagoo ah gudoomiyaha gobolka wales gaadhsiiyana maamulka magaalooyinka kale ee gobolku leeyay sida Newport ,Swansea iyo magaalooyinka gobolka hoos yimaada dhamaantood lkn Cardiff xisbiga anaa u qaabilsan dhismaheeda iyo hawsheedaba waayo hawlaha magaalada Cardiff tan iyo marki la i magacaabay waa dhaqaaqeen waxaan dhisay gudiyadii xisbiga intii ugu badnayd inta naga dhimana waanu ku gudo jirnaa mudo iyo wakhti dhawna waanu dhamaystiri doonaa insha Allahu ,xisbigu halkii lagasii dhisi lahaa hadii intii dhisnaynd buuq iyo qaylo la geliyo waxaanu dhagaysanayno maaha waaba noogusii badinaysaaa markay hawluhu buuqa galaan oo waxa imanaysa in dadka la baro loona sheego maamul waxuu yahay iyo cida awooda u leh hawlaha xisbiga ee magaaladaas ama gobolkaas ama wadankaas ama qaaradaas si ay habsami ugu socdaan waxwalbaaba .
Anigu mudadii uu jiray maamulka Cardiff iyo gobolka wales waxii igala gudboonaa mudane Mubaarak Ahmed yare waan gutay waanan maray wadadii wada shaqayneed ee naga dhaxaysay lkn waxaad moodaa isagu inuu u dhaqmaayo sidii uu yahay gudoomiyaha Cardiff ee aanu iskuba haysan inuu yahay gudoomiyihii gobolka wales anigu isaga ayaan hawlaha Cardiff u qaabilsanay una madax banaanay teamka aan dhisaayo isagana siiyo waxii warbixina ee xisbigu leeyay iyo hawlaha magaalada Cardiff taasina hore iyo danbaysiyaba waa waajibka naga dhexeeya si ay hawluhu uGu socdaan sidii la rabay horumarna loo gaadho .
Markii aanu isku noqonay teamka yagii reer Cardiff waxaanu go’aan ku gaadhnay in la gudbiyo carqaladaha jira loona gudbiyo gudida musdanbeedka Xisbiga UCID ee UK loona sii gudbiyo gudoomiyaha xisbiga mudane Eng Faysal Cali Waraabe si hawlaha loo turxaanbixiyo loona dhawro habsami usocodka xisbiga hawlahaasi hada waa qaar guul noogu dhamaaday khaladaadkii dhacayna la saxo si uu xisbigu hawlihiisa u guto loona gaadho ujeedooyinka iyo hadafka uu ka leeyay magaalada Cardiff iyo dhamaan dalka UK .
Dadwaynaha reer Cardiff iyo xisbiga UCID e UK waxaan usheegayaa inay hawlunu sidii hore iyo si ka fiican noogu socondaan guulo dhawna ka gaadhi doono magaalda Cardiff iyo gobolkaba insha Allah .
waxaan kale oo jira inaanu u diyaar garoobayno sidii loo qaban qaabinlahaa shir guud o lagu habaynaayo dhawaan dalka UK arimaha siyaasada iyo doorka aanu ku leenay dalkeenii hooyo .
Xisbigu haatan waxuu u diyaar garoobayaa sidii dhaqaale joogto ah oo hawlmaalmeedka xisbiga loogu samaynlahaa si loo gaadho himilada xisbiga loo sameeyay ee horumarinta iyo daryeelka shacabka Somaliland waanad maqlidoontaan UK iyo dalkeenii hooyoba guulaha aanu hiigsanayno waayo waxaynu nahay dal hada ay ka hana qaadeen nidaamka axsaabta tirada badan ee hanaanka dimiqraadiyada oo ah nidaam lagaga fakaday nidaamkii dalka soo regaadiyay ee dictatorshipnimada ama arbitrary waxa la yidhaa ee ah sharciga ama nidaamka oo kusoo urura gacan kaliya oo ah nidaamyada hagardaamiya nolosha ee aan horumarka ku dhisnayn .
Allah mahadleh

gudoomiyaha xisbiga UCID e laanta Cardiff
Mudane Cabdilahi Sheikh Xasan Dayaan (Kayser )




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *