Search

Hay’addii Waddooyinka Oo Laga Hoos Saaray Madaxtooyada Dibna Loogu Celiyey W/Hawlaha Guud

Hargeysa (Foore)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa digreeto madaxweyne dib ugu celiyey Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland Wasaaradda Hawlaha Guud isaga oo ka hoos saaray Madaxtooyada Somaliland oo ay ku hoos jirtay shantii sanadood ee xukuumaddani talada dalka haysay.
War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa u dhignayd sidan: “
WAR-SAXAAFADEED
Taariikh: – 08/11/2015
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3673/112015 ku wareejiyey Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ooh ore u hoos Iman jirtay Madaxtooyada.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Faqradda 2aad ee Xeer Madaxweyne Lr. 0273/102012 ee ku taariikhaysan 01/10/2012, oo Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka lagu hoos geeyey Wasaaradda Madaxtooyada;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee Horumarinta Waddooyinku ugu fadhiyaan koboca dhaqaalaha Dalka;
Markuu Tixgeliyey: Talada Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada iyo cidda ay khusayso;
Markuu Dersay: Baahida loo qabo in Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo hoos iman jirtay Wasaaradda Madaxtooyada la hoos geeyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka maadaama Xeerka Horumarinta Waddooyinka loo gudbiyey Baarlamaanka isla markaana wax badan ka qabsoomeen horumarinta waddooyinka;
Markuu Garawsaday: Inay tahay xilli ku habboon in loo wareejiyo Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka, Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka;
Wuxuu Soo Saaray;
In laga bilaabo taariikhda Xeerkan, ay Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo hoos iman jirtay Wasaaradda Madaxtooyada lagu wareejiyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *