BREAKING NEWS
Search

Hay’addii Maal-Gelinaysay Mashruucii Wacyigelinta Diiwaangelinta Codeeyaha Ee La Musuqay Oo Joojisay Deeqdii Mashruucaasi

“Hay’adihii La Siiyey Oo Aan Wali Hal Tallaabo Qaadin Iyo Komishanka Oo Ka Meeraysanaya In Uu Caddeeyo Fadeexadda Dhacday”.
Hargeysa (Foore)- Hay’addii Maraykanka ahayd ee maal-gelinaysay Mashruucii Wacyigelinta Codbixiyaha ee dhawaan Komishanka Doorashooyinku musuqmaasuqay oo ay soo marinaysay hay’adda IOM ayaa gabi ahaanba joojisay lacagtii mashruucaasi lagu fulin lahaa kadib markii ay ogaatay in aanu mashruucaasi sifihii bannaan-yaalnimo (Transparency) ee ay rabeen in loogu tartamo aan loogu tartamin, kaasi oo si musuqa loogu naas-nuujiyey ururro gacan saar la lahaa xubno ka tirsan Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
Tallaabadan ay Hay’adda Maraykanka ahi qaadatay ayaa u muuqata mid ay kaga jawaabayso fadeexadaha ka dhashay qaabkii loo maareeyey u tartamidda mashruucaasi oo ay soo codsadeen ururro waaweyn oo ay hawshooda tahay balse laga leexiyey loona leexiyey ururro aan gabi ahaanba shaqo ku lahayn awoodna u lahayn fulinta wacyigelinta qaadashada kaadhka Cod-bixiyaha (Voter Registration) si loo gaadho doorasho xor iyo xalaal ah balse Komishanka doorashooyinka xubno ka mid ahi ugu naas nuujiyeen qaab hoose maadaama xubin ka mid ah Guddida Doorashooyinku ka tirsan tahay mid ka mid ah ururradaasi la siiyey.
Qoraal rasmi ah oo loo soo diray Hay’adda IOM oo ay u soo dirtay hay’addii maal-gelinaysay (Donor Agency) Mashruucan ee IOM soo marinaysay oo Maraykan ah ayaa gabi ahaanba lagu sheegay in hay’addaasi Maraykanka ahi joojisay qaddarkii lacageed ee mashruucaasi ay u qoondaysay kadib markii ay xogo rasmi ah hay’addaasi ku heshay in la musuqay mashruucaasi illaa imikana aanay haba yaraatee wax hawl ahi ka qabsoomin iyada oo la rabay in ay wacyigelinta mashruucaasi ee Diiwaangelinta Codbixiyuhu ay ka bilaabmi lahayd Gobolada Galbeedka iyo Bariga Somaliland.
Tallaabadan ay hay’adda Maraykanka ahi ku go’aan qaadatay oo aanu xogo rasmi ah ka hellay ayaa tibaaxaya in ay ku sababeebeen in qaabkii mashruucan loogu gacan galiyey ururada qarsoodiga ahi uu gabi ahaanba ka hor imanayo nidaamka mashaariicda loo bixiyo ee hay’addaasi oo ah mid ay ahayd in ururada bulshadu si caddaalad ah ugu tartamaan oo lagu kala saaro.
Xogo warbaahintu ka heshay ururadii la siiyey mashruucan ayaa muujinaya in aanay haba yaraatee jirin hal tallaabo oo laga qaaday mashruucaasi wakhti ay dib u dhacayso wacyigelintii la doonayay in lagu baahiyo bulshada si ay isugu diyaariyaan qaadashada kaadhka codeeyaha ah si aan ku noqnoqod lahayd, si loogu gaadho doorasho xor iyo xalaal ah oo aanay dib innoogu soo noqon mashruuc diiwaan-gelineed oo fashilmaa balse ay haatan u muuqato in KDQ halkii ay ka sixi lahaayeen arrinkaasi ay durba bilaw xun ku qaabileen oo aan keenayn in la saxo wixii innaga qaldamay ee keenay in lagu kansal gareeyo diiwaan gelintii hore ee codeeyaha.
Dhinaca kale waxa nasiib darro ah in aanay wali Komishanku ka hadal wakhtiga rasmiga ah ee ay bilaabi doonto Diiwaan gelintii Cod bixiyuhu iyo wacyigelinteediiba iyada oo hore Madaxweyne Siilaanyo digreeto ugu soo saaray in 21-7-2015 Dalka laga qabto diiwaan gelinta cod bixiyaha wakhtigaana la soo dhaafay, waliba ay Komishanku ka meeraysanayaan in ay umadda u sheegaan sababta rasmiga ah ee hortaagan hawshaasi iyo waliba fashilka ku yimid mashruucan hordhaca ahaa ee wacyigelinta diiwaangelinta codbixiyaha.

Picture4




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *