BREAKING NEWS
Search

Hay’adda Y-FAR Oo Tababar Casri Ah Magaalada Hargeysa Ugu Soo Gabagabaysay 20 Xubnood, Shahaadooyina Guddoonsiisay

Hargeysa, January 27, 2018 (Foore)- Xarunta Tababarrada iyo Kobcinta Xirfadaha ee Y-FAR oo ah Hay’ad Geeska Afrika ka hawl gasha ayaa tababar la xidhiidha qaabka Mashaariicda loo maamulo, loona hago waxa ay Magaalada Hargeysa ugu soo gabogabaysay Labaatan qof oo ka kala socday Jaamacadaha, Xafiisyada dawladda, Ganacsiga, hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahba kuwaasi oo muddo 8 maalmood ah tababarkaasi ku qaadanayay xarunta Tababarka iyo kobcinta xirfadaha ee Y-FAR xarunteeda Magaalada Hargeysa.
Tababarkan ayay ka qayb galayaashu mudadii uu socday waxa ay ku qaateen hannaanka casriga ah ee ugu dambeeyey ee ay dunidu wakhtigan u barato habka loo qaabeeyo, loona maamulo mashaariicda oo ah xirfad si weyn dalkeenu wakhtigan ugu baahan yahay, ka qayb galayaashana lagu baray qaab ay iyagu shaqaynayaan oo inta badan u badan gacanta oo laga shaqeeyo (Practical Approach).
Xidhitaankii gabogabada tababarkan casriga ah, waxa hadallo kooban ka soo jeediyey Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Y-FAR Md. Cabdiraxmaan Xasan Axmed (Bayda), ahaana Macallinka isagu tababarkan bixinayay. Agaasime Cabdiraxmaan ayaa faahfaahin ka bixiyay sida hay’adda Y-FAR qaybteeda tababarrada iyo kobcinta xirfaduhu ugu heellan tahay in ay ka qayb qaadato sidii shacabka Somaliland gaar ahaan dhallinyarada looga taageeri lahaa in ay helaan xirfado kala duwan oo ay ku shaqo tagi karaan. Agaasimaha oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Tababarkan iyo kuwo kale oo la mid ahiba waxa ay yihiin tababarro xidhiidh ah oo ay xaruntu qabato iyada oo aannu uga gol leenahay in ay qayb weyn ka noqdaan sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadda dhallinyarada iyo guud ahaan dadka shaqo doonka ah taasi oo wax weyn ka tari doonta in ay shaqooyin abuurtaan ama ku guulaystaan suuqa shaqada. Farxad weyn bay noo tahay inaan qayb ka ahaano dadaalka aad doonaysaan in aad nafihiina ku horumarisaan wakhti duruufaha shaqada ee suuqu cidhiidhi yihiin balse loo yahay in qofku ku wajaho isaga oo xirfado leh oo naftiisa dhisay. Xarunta Y-FAR waxa ay u taagan tahay sidii aanu tababarro tayaysan oo casri ah, qaab dalka ku cusubna loo bixinayo bulshada ugu soo gudbin lahayn”.
Intaa kadib waxa isna gabogabadii tababarkan hadallo dardaaran iyo mahad-naq isugu jira ka soo jeediyey Md. Xuseen Cabdi Cumar oo ka mid ahaa ka qayb galayaashii tababarkan waxaanu yidhi: “Waxaan qirayaa in uu ahaa tababar aannaan waligii kan oo kale hore u qaadan. Xarunta Y-FAR iyo macallimiintii tababarkan na siinaysay waxa aan uga mahad naqayaa qaabka ay xirfaddan noo bareen iyo sidii mudada 8-da maalmood ah aannu u shaqaynaynay. Waxa aan qabaa in dalku u baahnaa xarun noocan oo kale ah oo bixinaysa adeeg sidan u tayo wanaagsan waxaanan dhammaan dadweynaha, ku shaqeeya iyo ku shaqo raadis ahba ugu baaqayaa in ay ka faa’iidaystaan fursadahan qaaliga ah ee xarunta Y-FAR bixinayso”.
Gabogabadii waxa halkaasi shahaadooyinkii lagu guddoonsiiyey ka qayb galayaashii tababarkan dhammaystay iyada oo xarunta Y-FAR kula dardaaran tay ka qayb galayaashu in ay casharadii ay qaateen ku hawl galaan oo ay sii korodhsadaan aqoonta la xidhiidha qaababka ugu habboon ee loo diyaariyo loona maamulo mashaarciida iyada oo masuuliyiinta hay’adda Y-FAR shaaciyeen in tababarro xidhiidh ah oo noocan iyo kuwo kale ahiba si xidhiidh ah uga qabsoomi doonaan xarunta hay’adda dhawaan haddii Alle idmo iyada oo uu wiigga dambena xaruntani bilaabi doonto tababar kale oo ardayda jaamacadaha ka baxday lagu bari doono xirfado la xidhiidha sidii ay u shaqo tagi lahaayeen ee kor loogu qaadi lahaa xirfaddooda kala duwan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *