Search

Hawlgalkii ugu weynaa oo Dawladda Hoose ee Hargeysa Ka Fulisay Suuq-weynaha Waaheen, Jidka wadnaha Magaalada iyo Khasaaraha ka dhashay

Hargeisa (Foore) – Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa maanta badhtamaha magaaladda Hargeysa ka fulisay hawl-galkii ugu balaadhnaa oo ay ku Habaynayso suuqa ugu weyn caasimadda ee Waaheen, iyada dumisay sandaqado, iyo miisaska bacadyaalka ah oo lagu iibiyo badeecado kala duwan, waxaanu hawl-galkani sababay khasaare dhimasho iyo Dhaawac isugu jira.

Hawl-galkan oo ay hoggaaminayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraalle (Duur) iyo Duqa caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, waxa ka qeyb qaatay shaqaalaha dawladda Hoose ee Hargeysa iyo ciidanka birmadka ee Booliska, waxaanay dumiyeen sandaqadihii iyo miisaskii ku teedsanaa wadada D/Hoose illaa Saldhiga dhexe ee Hargeysa, halkaasi oo ay baneeyeen dhammaan wixii meherado yar yar ahaa ee cidhiidhiga ku hayay jidka wadnaha ee magaaladda Hargeysa.

Hawl-galkan waxa ka horyimid dhalinyaro ka mid ahaa dadka ku ganacsada meheradaha hortooda oo ciidammadda booliska ku soo weeraray mindiyo ilsa markaana taayiro ku gubay wadada, kuwaasi oo aakhirkiina la sheegay inay Booliska ku rideen rasaas.

Rasaastii ay boolisku doonayeen inay ku kala kaxeeyaan dhalinyaradii rabshadaha sameynayay ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen sadex qof oo midkood markii dambe ku geeriyooday cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka hadlay hawl-galkaasi ka hor intii aanay rabshaduhu bilaabmin, waxa uu yidhi, “Dalkeenii imika waxa la doonayaa in caasimada ay u ekaato magaallo madax oo ictiraafkii ayaa inagu soo dhow. Marka ma doonayno in billic xumadda iyo dadkan is-dhexyaala oo waddooyinka la baneeyo oo dadka xuquuqda lihii waa dadka dhismayaasha leh oo cid hortagi karta laba rabo.”Sidaa ayuu yidhi Maayarka caasimada hargeysa oo ka hadlayey dawladda hoose ee hargeysa oo biloowday hawlgalo ay ku bananaysay jidadka caasimada.”
Maayarka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “ Dadku marka bakhaaro wada banaanbaa jira oo cidii kiraysan kartaa ha kiraysato intii kalena waxaanu ugu talo-galay meelo magaalada dabadeeda ah. Ilaa saddex iyo toban sareebadood oo cusub ayaanu samaynay oo dadka danyarta ahi magaalada dibada hawga baxaan.”

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *