“Hawiye Xasuuq Bay U Gaysteen Daarood, Raggii Na Laayay Inaan Madaxtinimo Ugu Dirnaa Waa Mid Aannaan…….” Q: 100aad

Taxanaha Buugga Halgan Iyo Hagardaamo Ee Uu Qoray Kornayl Cabdilaahi Yuusuf..Q: 100aad

Intaan halkaas ka cadhooday baan ku idhi: “Waxaan gartay in aad iska hadlaysid oo aanad ka baaraan dagin waxan aad ka hadlayso ee xaaladda Soomaaliya iyo weliba wuxiii dalka ka dhacay laga soo bilaabo rididdii la riday Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, waxaan u sheegay in markii USC ay Muqdisho qabsatay balse beeshan Hawiye ee aad leedihiin xukunka haloo dhiibo in ay ka shaqaynayeen sidii qabiilka Daaroodka loo dabar jari lahaa dalkana looga saari lahaa kumayse guulaysan, waxaan wasiirka amniga ku idhi: “Ma taasi oo jirta baan yeeli karnaa in madaxda USC aad u caleema saartaan kaligood madaxnimada dalka dabadeedna iyaga oo dawlad sheeganayana ay wixii naga hadhayna gumaadaan. Marka xasuuqu dhaco ee nala weydiiyo waxa sababayna ma waxaanu ku jawaabi doonaa walaalahayaga reer Masar baa na weydiistey in aannu kuwaa dadka gumaaday in dalka loo dhiibo, waxaan ku idhi: “In madaxda beesha Hawiye ee aad maanta dabada ka riixaysaani ayna run ahaantii dawlad in la dhiso aanay rabin, sidoo kale dalkana xukumi Karin iskaba daa in ay xukumaan beelaha ay iyagu ka kooban yihiine maadaama ay is quudhsadaan’’, dersigii laga bartay mudadii burburku lagu jiray ayaa qof kasta oo caqli leh ugu filan wax ka garashada ujeedada dhabta ah ee madaxda beesha Hawiye qaarkood waxa ay doonayaan oo keli ah in ay dalka bililiqaystaan, dil na sameeyaan iyo sidoo kale in ay sii wadaan burburinta ay wadddanka ku hayaan, waxaan hubaa hadii ay maanta Qaahira gacanta ku dhigi lahaayeen in toddoba barri ka dib aan la arkeen halka ay ka baxday, bal wax kale iska daaye ahraamta hadii aydinaan hore sidaas u ogayn maantaba ogaada. Ugu danbayn waxaan ku idhi: “In aan maanta iyo berri toona qaadanayn talada aad ii soo jeedisay, waxaanan idinkula talinayaa in aad ka hadhaan waxa aan soconayn, haddana waxaan si xushmad leh kaaga codsanayaa in aad huteelkii igu celisaan, intii aan kulankaas ku maqnaa ayaa xubnihii weftigayaga loo wareejiyay naadiga ciidanka Lugta, halkasi oo si qarsoodi ah shirarka looga maamulaayay, waxaan arkay Aadan Gabyow oo meel taagan, Daaroodkii kalase waa la kaxaystay, meeshii uu taagnaabaan ugu tegay, waxaan uga sheekeeyay waxa na soo kala dhex maray aniga iyo saraakiishii Masaarida aahaa, oo ahaa in xukunka loo dhiibayo beesha Hawiye Aadan Gabyow ma aanu jeclayn in mawqifka masaaridu uu soconayo, wuxuuna igu yidhi: ‘’Cabdullaahi haddii aad adigu yeeshid kolna anigu ma ogoli’’.
Isla galabnimadii Janaraal Aadan Gabyow waxaa loo qaaday xarunta cusbitaalka ciidanka, markiii la baadhayna waxaa loo sheegay In kelyihiisu liitaan, waxayna kula taliyeen in aanu Masar ka tagin si loo daaweeyo, wuuse ku gacan saydhay oo isla galabtiiba wuu ka soo baxay dhakhtarkii, markii la soo ceshayna wuxuu igu yidhi: “Waar sariir seexan maayo’e aan tashano oo aan meesha isaga tagno’’, waxaanba ku qancay taladiisii oo ah in aan isaga tagno meesha, waxaanan u sheegay in aan dalkiina qaylo dhaan u diray, waxaanan ugu daray in dadkii guduhu ay aad iyo aad u dhibsadeen waxaa dalka Masar lagu walaaqayo, waxayna sidoo kale doonayaan in ay dibad baxyo dalkii ka samayn doonaan ay kaga soo horjeedaan waxa ay dawladda Masar waddo, waxaananu ku tashanay in aanu Masar isaga tagno oo Masar baasaabooradayada ka qaadanano, sidaasna shirka iyo hawlihiisa uga baxno, waxaa nalagu adkeeyay sidii aanu ku heli lahayn baasaaboorradayadii, waayo lama rabin in aanu shirka ka baxno, kolkii aanu ku daalnay baanu u sheegnay saraakiishii na maamulaysay in aannu qaban doono shir jaraa’id oo aannu ku caddayn doono in baasaaboorradayadii naloo diiday oo sidoo kale nalagu qasbayo in aanu aqbalno go’aamo shir aanaan annagu raali ka ahayn waxaananu sidoo kale u sheegnay in ay iyaga iyo annagaba sharaf noo tahay in ay iska kaaya siiyaan baasaabooradayada.
Ugu danbayn way garwaaqsadeen in ay nasiiyaan baasaabooradayadii oo waxa ay nasiiyeen subaxdii danbe dabadeed waxaan u tagay Maxamed Abshir kaas oo aan u sheegay in meesha la inagu xumeeyay isla markaana la inaga dhigay wax aan jirin, sidaas darteed waxaanu isla qaadanay in aanu qaaddacno shirka isla markaasna aananu saxeexin heshiiska iyo waxa ay Masar daba ka waddo, wuxuuna iigu jawaaabay: “Waar I dhaaf, oo ha iila iman dacaayaddii Boosaaso ka socotay oo hore la ii soo gaadhsiiyay gacantiina waa iga dhufsaday oo yidhi waan saxeexayaa anigu”.
….La Soco




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *